Waraaq ku socota bahda Jigjiga TV eek u sugan Jigjiga

Submitted by webmaster on Fri, 2010-02-26 07:43
Feb 26 2000
Maxamed Qardojeex -

Sababta aan qurba joogta hadda ku sugan deegaanka uga doortay bahda Jijiga TV waxaa weeye iyagu waxay leeyihiin nidaam (TV) ay hadhaw inooguusoo bandhigi karaan warbixintooda. Fariintuna waa sidan:

Ilaa hadda waxyaabaha aan warbaahinta ku aragnay waxaa ka mid ah in casho sharaf iyo qado sharaf la idiin sameeyay, sawiro aad uga muuqda warbaahinta kilika, in carabka lagu dhuftay balanqaadyo dhul maalgashi oo qurba joogta la siiyo, in dhul deegaan ah lasiinayo qurba joogta, iyo in la sameeyay dhiirigalin in qurba joogtu maalgashato deegaanka. Waan ku faraxsanahay in dawladda deegaanka ay muujisay niyad samaantaas iyo soo dhawayntaas intanada qurbaha joogtana dhiiri galin ayay noo tahay midaasi.

Waxaan rabaa in aan idin xusuusiyo in aan idinka sugayno warbixin dhamaystiran oo ku salaysan daraasad iyo xog lasoo shiilay oo ka qoto dheer kulan iyo soo dhawayn. Waxaan ula jeedaa bal waxaad isku daydaan inaad waraysataan dadka caadiga ah oo aad u kuur gashaan waxyaabaha ka jira deegaanka. Waxaa soo xuuraantaan waxyaabaha ka jira in jabhadda ONLF ay gaysato tacadiyo dhan ka ah shacabka ay leedahay waan u dagaalamaynaa: Waxaad raadisaan dad shacab ah oo ay jabhaddu wax yeelaysay iyo eheladooda? Waxaad baadhaan heerka tabarta jabhadda si aan uga qiyaas qaadano inta dagaalku sii socon karo. Waxaa kalood eegtaan probagaandhada jabahadda ee ay leeyihiin waxaan ka dagaalanaa Jigjiga iyo Shiniile? Sdiay ku dhici kartaa nimankan la leeyahay waaba la dhamsytiray in ay ku dhiiradaan jigjiga iyo shiniile oo nabad ahaa? Waxaad soo ogaataan in ay wax ka jiraan gabadhii uurka lahayd ee la sheegay in ONLF ay ku dishay Sagag?

Sidoo kale soo ogaada waxa ku saabsan dawladda kilika.Tusaale ahaan maxaa ka jira in sharciga u yaala dawladda aan la dhaqan galinin, in awooda dawladdu ay ku koobantahay oo kaliya ashqaas. Maxaa keenay daganansho la’aanta maamulka ee ka jirta kililka iyo gobalada oo dhan? Xageebuu marayaa heerka musuqa ee deegaanku. Waxaa kaloo muhiim an in aad soo baadhaan arin uu soo daabacay warsidaha xogagaalka ah ee Kilil5 oo ku saabsanayd dhaqanka Malayshiyada dawladda: Ma ciidan dawladeed oo shuruucda ciidanku qabtaanbaa? Ma boolis dawladeed oo shuruucda boolisku qabtaanbaa? Maxay yihiin malayshiyadu? Sharcigee lagu hagaa? Sidoo kale bal soo ogaada sida ay ciidanku ula dhaqmaan shacabka: tusaale ahaan maxaa ka jira in sanadkii hore dad shacab ah oo gaadhaya sodan lagu laayay tuulada Mooyaha?

Kolay idinkaa ah xirfadlayaal oo garanaya sida xogta loo helo iyo su’aalaha mudan in lagasoo jawaabo ee qurba joogtu ay danaynayaa laakiin su’aalahaasi waa iska tusaalooyin. Mida kale ogaada in in aan rajaynayno in warbixinta aad nagusoo celinaysaan ay noqoto warbixin ku salaysan daacadnimo iyo hufnaansho waayo ma rabno in aad ku hadlaysaan magaca koox ka mid ah kooxa ku jira qadiyadda deegaanka.

Maxamed Qardojeex
qardojeex@yahoo.com

Opinion articles written by individual contributors do not necessarily represent the opinion of Kilil5.com