Gudoomiyaha Gobolka Dhagaxbuur mudane Badal Xiis oo Kawarbixiyay Xaalada Gobolka
Jijiga(Kilil5)---Gudoomiyaha Gobolka Dhagaxbuur mudane Badal Xiis oo
warbixin kooban siiyay wakaalada wararka ee WIC ayaa sheegay in Gobolka
ay kasocdaan barnaamijyo kala duwan oo dhanka horumarka iyo maamulka
suuban ah si kor loogu qaado nolosha dadka xoola dhaqatada ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay talaabooyinka laga qaaday dhanka waxbarashada,
caafimadka iyo biyuhu ay durba yihiin qaar midho dhalay rajooyin wayna
muujinaya. Waxaa sidookale gobolka laga fuliyay barnaamijo dhinacyo
badan kuwaas oo faa’iidooyin badan u leh bulshada xoola dhaqatada ah.
Gudoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in sanadkan 4 ceel biyood oo
dhaadheer laga qodaayo afar maagaalo sidookalena 6 santar oo caafimaad
(health centers), 12 goobo caafimaad (health posts) iyo 22 kilinig oo
Xoolaad.
Waxaakale oo uu gudoomiyuhu raaciyay in xaalada nabadgalyo ee gobolkaas
ay aad ufiicantahay iyada oo bulshada kunool gobolkaas iyo dawladu ay
wada jir uga shaqeeyeen xidid usiibida kooxaha nabadiidka ah.
Dhanka kale wararka nagasoogaadhaya Degmada Awaare ee isla gobolkan ayaa
sheegaya in colaadi ay dib uga soo dhex cusboonaatay beelaha dega
degmadaas ee kasookala jeeda Ogaadeen iyo Isaaq. Mudo dhawr bilood laga
joogo ayaa fitan ay jabhada ONLF ka dambaysay ay labada beelood isu
qoonsadeen dhawr qofna ay kala dileen, hadana waxaa la sheegayaa
markale ay kooxahan nabadiidka ahi ka shaqeeyeen isku dhaca labadan
beelood oo ay dad kala dileen dagaalona ay ka aloosanyihiin oo ay labada
beelood is horfadhiyaan.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















