Ehtiopia: Shir Kaabineet oo lagu go'aaminayo Dhaadhicinta shaqaalaha u dhashay Gobolada Dhagaxbuur,Qoraxay iyo Fiiq

Submitted by guure on Sat, 2010-02-20 03:00
Feb 20 2000

Jijiga(Kilil5)---Golaha Kaabineetka Dawlada Deegaanka somalid ayaa ilaa shalay ku jira shir ladamacsanyahay in lagu ansixiyo dhaadhicinta shaqaalaha iyo aqoonyahanka u dhashay gobolada Dhagaxbuur, Qaraxay iyo Fiiq ee ka shaqeeya heer deegaan. Shirkan ayaan ilaa hada wax natiijo ahi uusan kasoobixin waxaana lasheegayaa inla isku afgaran waayay sidii loo dhaadhicinlahaa shaqaalah ilaa hadana aan wax go’aan ah laga soosaarin.

Xafiiska Maamulka shaqaalaha (CSB) ee Deegaanka aya isagu soo dhajiyay Og ay ugu yeedhayaan amaba ay ku amrayaan in shaqaalaha kasoojeeda goboladaas aanu kor kusoo sheegnay ay keenaan Dhokumentigooda Xafiiska Maamulka shaqaalaha si loogu dhaadhiciyo Degmooyinka Goboladaas. Dagmooyinka Goboladan ayaa badidoodu la ciirciiraya shaqaale iyaga oo badiba hore loo buuxiyay boosaskii banaanaa balse waxa aan ilaa hada la garanayn meesha lagayndoono shaqaalihii hore uga siishaqayn jiray goboladaas, Miyaa la eryi doonaa? Ma heer Kilil ama deegaan ayaa loosoo dalacsiiin? Mise waxaa la abuuridoona fursado shaqo oo cusub oo lagu balaadhinaayo qoondayntii ama Structure kii degmooyinka?

Qorshahan dhaadhicinta shaqaalaha goboladan ayaa cabsi badan ku abuuray shaqaalaha kasoo jeeda goboladan ee ka shaqaynaayay xafiisyada heer deegaan, waxaana laga yaabaa in dad badani ay iskaga tagaan shaqooyinka Dawlada iyaga oon raali ka ahayn goobaha qasabka loogu dhaadhicinaayo.
Jijiga
Kilil5 Online