Maalgaliyayaalbaa mise Maaldoon

Submitted by webmaster on Fri, 2010-02-19 10:52
Feb 19 2000
by K barkhad -

Waxa aad usoo kordhaya tirada dadka dib usoo noqdiga ah ee ku soo laabanaya dalka ethiopia sanooyinkan udanbeeyay iyaga oo ka fa'idaysanaya fursadaha dabacsan ee ay ku yaboohday dawladu ee dhinaca maalgalinta,
Marka meel la iska dhigo deegaanka soomaalida oo inta badan dadka dib usonoqdiga ah ay arimahooda ku xaliyaan xeer jajab iyo saaxiibtinimo iyo xiriiro sokeeye oo ay ka hor inta ayna dalka ku soo laaban ay la soo yeeshaan masuuliyiinta ugu firfircoon xukumada waxa inta kale ee dalka ay shakhsiyaadka maalgalinta dalka u yimidi ay maraan dhabaha sharciga ah iyaga oo fasaxyo ka helaya wakaalada maalgalinta.

Deegaamada Hararida,Amxaarada,Tigria iyo Oromada oo sanooyinkan ay aad ugu soo qulqulayeen qurbajoogtu ayaa lagu amaanay sida ay u guteen waajibaadkooda dhinaca maalgalinta waxana muddo haatan laga joogo 2 sano televisionka ETv uu baahiyay barnaamijyo ku baxay afafka oromada amxaariga iyo tigrai oo uu kaga xogwaramay sida ay qurbajoogtu isbadalada uga sameeyeen goobihii loo cayimay inay waxka qabsadaan iyaga oo waxka qabtay dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo Hoteelada Jiifka.

Qurbajoogta Deegaanka soomaalida ayaan lagu dhararin karin doorkooda da'daalka iyo waxqabsiga qawmiyadaha kale sida ay warbixino arimahasi laga helaya ay sheegayaan inay ugu wacantahay waajibaadka culus ee ay isa saarayaan dadka maalgalinta deegaanka uyimaada oo aan ka soo bixi karin waxyaabaha ay markaasi sheegayaan inay qabanayaan iyo yaraanshaha taagtooda tamareed
Meelo badan oo aad u baaxad wayn ayaa ay indhahaagu qabanayaan magaalada jigjiga oo la siiyay dadka dib usoonoqdiga ah haseyeshe ay dad badani ka gaws qaniinsanyihiin sida ay wax usocdaan iyada oo ay wali sii kordhayso in Mayorka magaaladu uu wali dadka dhulka uqoondeeyo kadib hadalo iyo amaro ku soo gaadhaya dhinaca taleefanada oo uga imanaya masuuliyiinta deegaanka.

Dadka badan oo aad ula socda amuurahan ayaa iswaydiinaya in qurbajoogtu ay yihiin maalgaliyayaal dhab ah oo waxka qabsanaya halka kuwo kale ay u arkaan dad maaldoon ah oo soo damac galiyay lacagaha la sheegay in sida dhibta yar looga helo qandaraasyada xukumadu sida sahalka ah ay ku bixiso iyaga oo ku sifeeyay in arintan maalgalintu ay tahay khidad ay lugaha kula soo galayaan deegaanka halka qaarkood waa qurbajoogtee ay fursad u heleen inay dhexgalaan siyaasada jagooyina ka qabteen xukumada inkastoo mawjado siyaasadeed oo si xoogan u kacsanaa ay dibada soo dhigtay qaarkood
Baaqyo badan oo lagu xoodaaminayo ayaa qurbajoogta uga imanaya dhinaca deegaanka si xukumadu ay u xaqiijiso da'daalkeeda dhinaca nabada iyo horumarka waxana isa soo taraya in xukumadu ay usharci jabiso dad badan oo qurbajooga una aqoonsato maalgaliyayaal iyada oo loo arko talaabo lagu naasnuujinayo qurbajoogta garabka dawlada.
Jaaliyadaha dibada ayaa lagu tiriyaa inay yihiin xoog udurbaan tuma ururka gudaha dalka lagaga naanayso UBo ee dadka la socda colaadaha hubaysan ee bariga africa uyaqaanaan O. N. L. F waxana halkaasi ka baxay doorkoodii dhexdhexaadnimada ahaa iyaga oo la filayay inay la yimaadaan maskax fayow oo ka caafimaad qabta colaadaha iyo khilaafaadka gudaha ka jira.

Dad badan oo horay ugaadhay deegaanka kana madaxbanaan khilaafaadka siyaasada ayaan helin tixgalin badan iyo in loo meelmariyo codsiyadooda oo waliba la xiriiray umuuro ay ka soo bixi karayaan,

Madaxwaynaha Deegaanka soomaalida Daa'uud Maxamed Cali oo aad loogu tiriyo nin ku ad adag dhinaca sharciyada ayaan qaadan talaabo uu ku sugayo xaqiijinta sida ay u hirgaleen mashaariicda maalgalineed ee dadka dib usoo noqdiga ah sida laga warhayana waxa uu ahaa intii uu u mindiyo afaysanayay xilka madaxtinimo ee deegaanka nin aad loogu tiriyo inuu ahaa shakhsi ka biyo diidsanaa dhulboob baaxad wayn oo ka socday deegaanka soomaalida.

Waxa Deegaanka ku nool maalqabeeno awood uleh inay muujiyaan waxqabad haseyeshe aan helin fursadahan oo kale dhawrkii sanadood ee udanbeeyay waxa laga xusi karaa maalgalinta ay sameeyeen maalqabeenadan oo aan waliba sida la ogyahay aan loogu yaboohin dhul ay maalgashadaan

BADE sons -Hotel Bade Jigjiga
Millenium Hotel- Ganacsade Degan Camaan
Hamda Hotel - Al-xaajiyo Suhuura Ismaaciil Haweenay maalqabeen ah oo Jigjiga ku nool

brkhdcali@yahoo.com

Opinion articles written by individual contributors do not necessarily represent the opinion of Kilil5.com