Faallo: Micno darrada Qurbo-joogta & qorshe la'aanta dowlad deegaanka Soomaalida

02/18/00
Format for printing    

Waxaa maalmahan Ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ku soo qul-qulayey xubno katirsan jaaliyadaha deegaanka Soomaalida ee dalalka aduunka guud ahaan, haba u bateen kuwo Ingriiska iyo Mareykanka.

Xubnahan dalka yimid, in kasta oo ay niyad wanaagsan hayaan, haddane kala qeybsanaantooda waxaad ka garan kartaa wajiyadooda. Shaqsi kastaa wuxuu wataa magac ururreed sida "Somali Ethiopian Whatever," oo aynan jirin cid ay matalaan iyo meel ay ka shaqeeyaan midna, kuwaasoo ay shacabkii deegaanka ku wareereen, isla markaana dhan ay u dhigaan garan la'yihiin.

Dowladda deegaanka ayaa dhankeeda sheeko mada-daallo ah iyo maa-weelin is-dhaafi ah u heysa Qurba-joogta deegaanka timaado, iyo kuwa maqan labaduba, iyadoonan wax qorshe ah iyo wax arragti ah midna u heyn, isla markaana la iman kari la' qaabkii ay uga faa'iideysan laheyd awoodan cusub ee afka kusoo kala heysa.

Dalalka Afrika ayaa guud ahaan dareemay miisaanka siyaasaddeed ee Qurba-joogta, waxaana inta badan dowladaha qaaraddu diyaarsadeen qorshayaal cad, oo ay arrintan ku wajahayaan. Dhawaan ayey aheyd markii Midowga Afrika ku dhawaaqay in shirarka muhiimka ah iyo wada-tashiyada laga qeybgaliyo Qurba-joogta qaaradda, iyadoo dib u habeyn lagu sameeynayo xeerka 3 (q) AU Constitutive Act ee 2003.

Dowlad kastaa iyadoo baahideeda iyo miisaanka siyaasadeed ee jaaliyaddaheeda tixgalineysa ayey dastuurkeeda dib u eegis ku sameysaa, sida Tanzania oo dhawaan ku dhawaaqday, waxa afka qalaad lagu yiraahdo, "double citizenship," taasoo u ogollaan doonto muwaadiniinteeda dibadaha inay wax doorato lana doorto, waxaana jira qaar badan oo howshaas hadda gacanta ku haya, sida dowladda Nigeria.

Itoobiya in kasta oo aynan heer-kaas gaadhin, haddane dowladda dhexe waxey wadaa dadaal ay ku dooneyso inay aad ugu dhawaato Qurba-joogta. Deegaannada dalka Itoobiya ayaa mid-mid iyo wadar u wada isku-day ay ku hananayaan kalsoonida iyo wax-qabadka jaaliyaddahooda, iyagoo fahansan culeyska siyaasaddeed iyo dhaqaalle ee Qurba-joogtooda.

Waxaa la dhaafay xilligii Qurba-joogta waxa ugu badan ee ay sameeyso aheyd lacag lasoo xawillo, dowlad deegaan kasta waxey billaawday inay aqoonsato miisaanka siyaasadeed iyo dhaqaalle ee ay jaaliyadduhu leeyihiin

Maxey sameyn laheyd dowladda deegaanka Soomaalida?

Inta badan deegaannada Itoobiya waxey jaaliyaddahooda ku dhiirigaliyaan maalgashi iyo ganacsi, lakiin deegaanka Soomaalidu ma joogo xilli maalgashi laga hadlo, waa markii runta la isu sheego - deegaanka Soomaalidu wuxuu u baahanyahay nabadgalyo - markaas uunbaa ganacsi iyo maalgashi laga hadli karaa. Waan og-nahay inuu Abay Tsehay qabo in maalgashiga iyo nabadgalyada la isku dhex wado, lakiin wuxuunan ka fakarin inaynan jirin cid lacagteedda ku qamaareyso, oo iska-galineyso meel aanan la isku haleyn karin.

Ingriiska wuxuu yiraahdaa "first thing first," Soomaaliduna "canjeero sidey u kala koreyso ayaa loo kala qaadaa." Waa in nabadgalyada wax kastaa laga hormariyaa, haddii kale, sidaas maanta ayaa la isaga daba meereysan waligeed.

Si ay dowladda u dhexgasho jaaliyaadka oo ay baahida guud iyo waxa ay qaban-karaan u ogaato, waa inay dalalka ay jaaliyaddaha deegaanka ku badanyihiin u dirsataa qunsullo daacad ah, aqoonteedi iyo xirfaddeedina leh.

Hadda ka hor ayey dowladda deegaanka dhowr qunsul u dirsatay dalal dhowr ah, laakiin cid sheegi karta meel ay ku danbeeyeen iyo waxa ay qabtaan majirto, waxaana la sheegaa inay sharciyo ka qaateen iyaga iyo reerahooda dalalkii loo diray. Qunsulladaas ayaanan wax shaqo ah jaaliyadaha iyo dowladda midna u heyn, jaaliyaddahuna maba oga iney dalalkooda jiraan qunsullo deegaanka uu leeyahay.

Dowladda waa inay barataa jaaliyaddaha iyo qaab dhaqankooda. Haddaan yara dulmarno jaaliyaddaha waxaan u qeybin karnaa labo; (1) kuwo hunguri doon ah, (2) kuwo is-badal doon ah.

Kuwa hunguri doonka ah

Kooxda hunguri doonka ah, waxey ku doodaan meeshan waa la iska boobaa, waxeyna ku meereystaan maalgalin iyo horumarkaan ka shaqeyneynaa, kuwan markii dhul la siiyo, si ay warshad uga dhisaan, isagii bay dib u iibsadaan - sida dhawaan ka dhacday Jigjiga. In kasta oo ay runtood tahay oo deegaanka la boobo, masuqmaasuquna cirka marayo, haddane kuwaas waa inaynan dowladda deegaanka waqti badan isaga lumin. Marki daacad loo hadlo, meeshan cid hal dollar galin majirto illaa nabadgalyo la hello.

Ganacsatadii deegaanka qandaraaska ka qaadaneysay ayaa markii hal birr u soo caddaado guri kaga dhista Addis Ababa, marka ninkii yiraahdo dollar uu baraf ka soo dhex shaqeeyey ayaan galin xilligan Wardheer ama Fiiq waa nin ay wax kale u qarsoon-yihiin.

Deegaannada Itoobiya isku cudur maaha, mid kastaa dawadiisa waa u gooni. Deegaanka Soomaalida iyo kan Amxaarada isku siyaasad ma noqon karaan, waa in taas dhab loo fahmaa. Jaaliyadda Amxaarada inay maalgashi ka shaqeysaa waa ay u gaadhay, sababtoo ah deegaan nabad ah ayey leedahay. Jaaliyadda deegaankeena xagey maalgalin, illaa deegaanka oo dhan Jigjiga maahee?

Kuwa is-badal doonka ah

Qeybta labaad ee is-badal doon ka ah. Waa kuwa daacad ah inay dalka iyo dadkooda u adeegaan, isla markaana diyaar u ah inay dowladda kala shaqeeyaan nabadgalyada, xitaa haddey noqoto inay tuullooyinka tagaan. Maalgalin iyo sheeko qayaali ah oonan waqtigeedi la joogin ma yaqaanan, ee waxey ogyihin dhabta iyo waxa hadda loo baahan-yahay in la qabto, si ummada loo samata-bixiyo.

Dowladda deegaanka waxey u baahan-tahay inay la timaado qorshe qeexan oo ay kooxdan danbe kula shaqeyso, iyadoo iska illaaweysa waxa ka socda deegaannada kale ee Itoobiya, illaa deegaankan baahidiisa waa u gooni, nin Addis Ababa guri dheer deganna fahmi-maayo dhibaatada heysata duqda ku jirta daash ku yaal Birqod ama Haarcad, oo meel ay calleentii shaaha u soo martaa heyn.

Jaaliyaddaha deegaanka maxaa la gudboon?

Jaaliyaddaha deegaanka inta taageersan nidaamka ka jira dalka ee federalism-ka, waxaa la gudboon inay marka ugu horeysa midoowdo, oo ay sameysato hal hogaan oo adag, si ay dowladda iyo hay'adaha caalamiga ah ee danaha ka leh deegaanka tixgalin uga hesho.

Waxaad ogaataan in hay'adaha caalamiga ah iyo dalalka deeqda bixiyaa ay billaabeen inay dalkasta jaaliyaddihiisa dibadda kulamo wada-tashi la sameeyaan, iyagoo tallooyinka iyo fikirka la wadaagaya. Haddeydaan is aruurin tixgalin badan ma heleysaan. Waa inaad qabiilka iyo gobolleysiga illaawdaan oo aad hal dallad ku midowdaan, idiinkoo niyadda ku haya sidii aad deegaankiina sare ugu qaadi laheydeen.

Dowladda dhexe ee Itoobiya way aqoonsantahay miisaanka jaaliyaddaha, wuxuu dhawaan ra'isulwasaare Meles ku dhawaaqay iney dowladdiisa ku guuldareysatay xidhiidhka Qurba-jooga, isla markaana uu wax badan ka qaban doono sida ugu dhaqsaha badan. Taas waxey ku tusineysaa inay jaaliyadduhu yihiin awood aanan la dhayalsan karin, waase haddad fahansantihiin.

Urur magac u yaal ah oo shaqsi iyo labo ay wadato micno sameynmayo, waxaa kale oonan micno sameyneyn inaad Jigjiga la timaadaan muqaaxiyada ayaan dowladda ka difaacnaa iyo hebel baa meel dowladda wax kaga sheegayey. Sheekooyinkaas raqiiska ah wax u baahan majirto, wax micno ahna ma sameynayaan, qiimahiina uunbey hoos u dhigeysaa. Jaaliyaddu waa inay is-abaabullaan, horeyna u socdaan, iyagoo isu-arka inay awood jirtaa yihiin.

Gabagabo

Isku soo duuboo, Qurba-joogta deegaanka dalkii waa jeceshahay mana garanayso qaab ay u wajahdo, dowlad deegaankuna wey ogtahay muhiimadda jaaliyaddaha waana keeni la'dahay meel ay wax ka billaawdo. Waxaanan cidi dafiri-karin awoodda jaaliyaddaha, waxaana haboon inay dowladda deegaanka Soomaalida la timaado qorshe qeexan, oo ay arrintan ku wajaheyso. Maaha waxaanan jirin in waqti la isaga lumiyo, waa in horta nabadgalyada laga shaqeeyaa, lagana qeybgaliyaa cid kasta oo wax ku soo biirin kara. Jaaliyadduhuna waa inay gacmaha is-qabsadaan, si ay tixgalinta ay mudanyihiin u hellaan.

Xigasho:Wabishabeele.com

Opinion articles written by individual contributors do not necessarily represent the opinion of Kilil5.com