Ethiopia: Gudiga horumarka ee gobolada Qoraxay,Dhagaxbuur iyo Fiiq, Gudomiyihi gobolka fiiq o la eryay iyo wararkale
Jijiga(Kilil5)--Shirkii qiimaynta iyo aqoon iswaydaarsiga ahaa ee todobaadkii lasoo dhaafay ay xukuumadu ugu qabatay sadexda gobol ee Qoraxay, Dhagaxbuur iyo Fiiq ayaa lagu aas aasay gudi 6 xubnood ka kooban oo gudoomiye looga dhigay Wasiirka Waxbarashada DDS mudane C/raxmaan sheikh maxamed (Gurey). Gudigan oo heer gobol ahaan loo aasaasay ayaa loogu talogalay in guud ahaan sadexda gobol ay isbadal kasameeyaan. Gudigan ayaa loo xilsaaray in xaqiijiyaan in dhamaan madax-xafiiseedyada degmooyinku iyo maamulkoodubay ay haystaan aqoonta heer degree. Gudoomiyihii Gobolka Fiiq mudane Axmed yaasiin Cali oo ayaa isaga lasheegayaa in markiiba xilkii laga qaaday isaga oo ku dhacay in aysan aqoontiisu gaadhsiisnay heer Degree. Waxaa sidookale labadalidoonaa dhamaan madax xafiiseedyada aqoontoodu ay ka hoosayso dhigree iyo maamulada degmooyinka.
Waxaa sidookale gudiga lagafilayaa in ay shaqaale tirobadan oo ka sheqeeya heer deegaan ay ku dhaadhicindoonaan sadexdan gobol isaga oo shaqaale kasta loo eegayo gobolka uukasoo jeedo. Dhaadhicinta shaqaalaha ayaa iyada dadbadani ay ka cabsiqabaan ay dhibato hor leh abuurto isla markaana aysan sookordhin wax faa’iido. Waxaa hada kahor dhacday in sidan ookale loo dhaadhiciyay shaqaale aad u tirobadnaa iyada oon lookala aabo yeelin deegaamada ay kasoo jeedaan taasina ay kaliftay in badiba shaqaalihii aysan tagin goobohoodii shaqo isla markaana ay iskaga tageen shaqooyinkoodi iyaga oo katoorbiday in ay shaqada ka tagaan intii ay tagi lahaayeen goboladan ay xasilooni daradu ka jirto.
Waxaa sidookale dhacday in iyada oo lagu xumaynaayo dagmooyinka lagu dhaadhiciyay shaqaale heer deegaan looga baahna ama masuuliyiin boosas fiican jooga laguna dhaadhiciyay jagooyin aan u qalmin. Waxaa iyaguna jira aqoonyahan tirobadan oo kasoo kala qalin jabiyay jaamacadaha dalka iyo dibadaba oo ilaa hada aan heli shaqo kuwaas oo abaal ku qaba in lageeyo amaba lagu dhaadhiciyo degmooyinka balse aan ilaa hada heli fursadihii shaqo. Hadaba waasu’aal furani ma waxaa haboon in shaqaalihii cududa u ahaa heer deegaan lagu dhaadhiciyo degmooyinka mise in shaqaalaha cusub ee mooraalka u haya in ay tagaan goobahaas in lagu dhaadhiciyo?
Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada mudane Cabdi ilay in uu siidayndoono maxaabiis gaadhaysa 500 oo maxbuus. Waxaa wararka qaar sheegayaan in sidayntii bilaabatay ilaa hadana lasiidaayay maxaabiis gaadhaysa 40 maxbuus.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















