Faallo: Ummada Deegaanka Soomaalida waa inay isbadal dhab ah la timaadaa

02/15/00
Format for printing    

Waxaa xaqiiqa ah inay ummad kastaa hesho waxa ay mudan tahay, wanaag iyo xumaan, horumar iyo dib u dhac. Suurogal maaha inay ummada Deegaanka Soomaalida ku sii jirto xaaladda adag ee maanta, taasoo ay sabab u tahay nabadgalyo la’aanta iska socota ee mustaqbal iyo aayo tirtay ubadki Deegaankan.

Ummada Deegaanku waa inaynan dowladda dhexe ka sugin inay noloshooda guud ahaan badasho, si ay nabad iyo nolol u hesho, sababtoo ah ummad aanan iyadu isbadalin ciddi ma badali karto. Soomaalida Deegaanku waa inay ogaato danteeda fog iyo middeeda dhawba inay ku jirto nabadda, maadaama nabaddu ay tahay halbowlaha nolosha iyo aayaha mustaqbalka ubadkooda. Halki sano oo xasilooni daro uga baxo ummadan waa hal sano oo ka qasaartay, kuna biiriyey nolosheeda dib u dhac.

Ummad Deegaanka Soomaalida waa inay isbadal dhab ah la timaadaa, si ay horumar taam ah ugu gogol xaadho. Majirto aduunka dowlad si buuxda u dabooli karta guud ahaan baahida shacabkeeda, dhankey doonto ha noqotee, lakiin haddu shacabku u istaago dantiisa dowladdu wax weyn ayey qaban kartaa, taasoo micnaheedu yahay inuu shacabku qaato go’aanka ugu horeeya ee isbadal dhaxalgal ah keeni kara.

Waxaa dhab ah, haddey nabadgalyo xumada deegaanka sii socoto inay si sahlan gobolka u soo gali doonaan kooxaha wadaaddo beenaadka ah ee wata mashaariicda culculus, ee ka howlgala dalka burburay ee Soomaaliya. Al-shabaab oo caddeysatay inay xidhiidh toos ah la leedahay shabakadda argagixisada caalamiga ah ee al-Qaeda, ayaa afka ku soo kala heysa deegaankan, waa inay ummada gobolkan arrintaas niyaddda ku qabtaan.

Kumanaan ciidan dowladeed ah waxba kama qaban karo arrinta xaaladda deegaankan, haddeynan shacabku si dhab ah u istaagin, oo aynan qaadan go’aanka ah inay nabaddu iyagu dan ugu jirto. Majirto sabab ay ummadan xasilooni daro intaa ka badan u sii aqbasho, mana jirto cid kale oo laga sugayo nabadda deegaanka Soomaalida. Maadaama Itoobiya maanta deegaano iyo qowmiyaddo kala noqotay, waa inaynan shacabkan ka sugin qowmiyad kale inay dhulkeeda nabad iyo barwaaqo uga dhigto.

Isku soo duuboo, shacabka deegaanka Soomaalida waa inuu u istaagaa hanashada gayigiisa, si uu u badbaadiyo mustaqbalka aayihiisa. Dowladda dhexe ee Itoobiya waa qowmiyado isu-tagay, mana dhaceyso inay qowmiyad kale dhulkaada nabad kaaga dhigto, haddaadan adiga u istaagin. Deegaanka Soomaalida sida uu yahay haddaanan laga badalin, halis wuxuu ugu jiraa dhibaatada Jamhuuriyaddii Soomaaliya la degtay iney iyana soo gaadho.

Xigasho:Wabishabeele