Ethiopia: Shir Xukuumada DDS iyo Aqoonyahanka Gobolada Qoraxay,Dhagaxbuur iyo Fiiq uga socda magalada Jijiga

02/14/00
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida Mudane Daa’uud Maxamed Cali ayaa shir shalay iyo Maanta soconaayay u qabtay dhamaan shaqaalaha heer Deegaan ee kasoo jeeda Sadexda Gobol ee Dhagaxbuur, Fiiq iyo Qoraxay. Xukuumada deegaanka ayaa Aqoonyahanka u dhashay sadexdan gobol kala xaajoonaysa dhibaatooyinka sadexdan gobol ka jira iyo sababta ay u hurumarila’yihiin. Shirkan oo aqoon iswaydaarisi ahaa ayaa madaxwaynuhu aad ugu canaanta aqoonyahanka kasoo jeeda gobolada in aysan diyaar u ahayn in ay kashaqeeyaan horumarka goboladooda iyaga oo aan diyaar u ahayn in lagu dhaadhiciyo goboladaas iyo in ay tagaan toona.

Waxaa sidookale aqoonyahanku ay xukuumada ku dhaleeceeyeen in ay iyadu ka gaabisay horumarka sadexdan gobol iyaga oo hore ugu tilmaamay goboladan gobolada Xasilooni daradu kajirto isla markaana aan ku darin goboladii iyo degmooyinkii horumarku kasocday. Waxay sidookale soo jeediyeen aqoonyahanku in uu fikirkaasi mid khaldan ahaa balse ay ilaabeen in horumarku uu keeno xasiloonida iyo nabada.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu aqoonyahanka ka dhex dhisidoono gudi kashaqayndoonta arimaha horumarka, Nabadgalyada iyo Doorashooyinkaba. Shirka oo maantana kasii socda hoolka shirarka Xafiiska Haweenka ayaa lafilayaa in kuu kasoo qaybgalo hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada oo isaguna ka hadli doona arimaha Nabadgalyada waxaa sidookale manta ladhisidoonaa gudigan.

Dhanka kale dad badan ayaa iyagu shirkan u arka in uu yahay mid iska dhaadhicin, masuuliyiintanina ay cod kaga raadinayaan bulshada kasoo jeeda goboladaas iyaga oo u sii dhex maraaya aqoonyahankooda iyo indheer garadkooda. Dad badan ayaa ku adkaysanaaya in shirkani uusan ahayn mid wakhtigii loo baahnaa laqabtay u jeedadiisuna aysan ahayn sidii wax loogu qabanlahaa goboladaas balse ay tahay ay siyaasad kale ku dheehantahay.

Jijiga
Kilil5 Online