Ethiopia:DDS oo ku dhawaaqday in Degmooynka Qar ay ka jiran Xalado deg deg ah (Emergency Conditions)

Submitted by guure on Fri, 2010-02-12 01:51
Feb 12 2000

Jijiga(Kilil5)---Degmooyin katirsan Deegaanka soomalid ayaa lasheegayaa in ay ka jiraan xaalado dag-dag ah ama adag (Emergency conditions) oo ay sababeen abaaraha Jiilalku. Degmooyinka ay biyala’aanta aadka u darani kajirto waxaa kamida degmooyinka Ayshaca (Gobolka Shiniile),Galaadi & Wardheer (Gobolka Wardheer), Xarshin (Gobolka Jijiga) iyo Guradhaamoole (Gobolka Afdheer). Degooyinkan ayaa afartii bilood ee lasoodhaafay Dawlada deegaanku iyo qaar kamida Haayadaha aan Dawliga ahayn oo isugu jira qaar caalamiya iyo deegaan ahi ay kawadeen biyo dhaamin, halka degmooyinka Gobolka Fiiq iyo Degmooyinka Gunagado, Dhagaxmadaw iyo Dhagaxbuur ee gobolka Dhagaxbuur ay biyo dhaamintu kabilaabantay bishii lasoodhaafay ee January.

Waxaa sidookale jira degmooyin ay biyo darani kajirto kuwaas oon ilaa hada wax biyo dhaamin ah laga bilaabin balse u baahan faragalin deg deg ah kuwaas oo ay kamid yihiin Degmooyinka Baarey, Hargeele iyo Dolo Bay(Gobolka Afdheer), Degmada Doolo Ado ( Gobolka Libaan), Shilaabo (Wardheer), Qaybo katirsan Qabridahar, dhanaan (Godey), Awaare & qaybo katirsan degmada Gaashaamo (Gobolka Dhagaxbuur), Danood (Wardheer), Dhoobawayn (Qoraxay), Filtu & Hudet (Libaan)

Warbixintan oo Digniin hore ah (Early Warning) oonu ka helnay qaar kamida haayada ka hawlgala Deegaanka ayaa noosheegay in Deegaanka lagaga dhawaaqay in degmooyinkan aan kor kusoo sheegnay iyo qaarkaleba ay kajiraan xaalad degdeg ah (Emergency conditions) kuwaas oo u baahan hawlgal degdeg ah (Emergency Response)

Waxaa sidookale lashegayaa in Dhimasho ka bilaabantay degmooyin katirsan gobolka Shiniile sida degmada Ayshaca. Roobab aan iyagu caadi ahayn ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay Qaybo katirsan Degmooyinka Maa’iso, Afdam, Ayshaca, Erer & Shiniile ee Gobolka shiniile, Qaybo katirsan Degmooyinka Qabribayax, Gursum, Baabile & Jijiga ee gobolkan Jijiga iyo Araarso ee gobolka Dhagaxbuur.

Roobabkan oon Caadi ahayn (up normal Rain) da’ayna xili Jiilaal ah aya sida warbixinta ku qoran bulshada Reer guuraaga ahi ay sheegeen in roobabka noocan ahi dhibaatooyin sida burburinta daaqii hadhsanaa, dilida xoolaha Itaalka daran iyo in Roobabka Gugu ay dib u dhacaan.
Dhanka daaqa xoolaha ayaa sidookale aad hoos ugu dhacay jiilaalka oo dheeraaday awgii iyo Beelihii reer guuraaga ahaa oo ku ururay meelihii roobabkii dayrtu ay heleen.

Goobaha Daaqu aadka hoos ugu dhacay ayay warbixintu sheegtay in ay kamid yihiin Gobolka Shiniile, Gobolka Fiiq, Afdheer, Wardheer, qaybo katirsan Gobolda Godey, Dhagaxbuur iyo Liibaan. Qaybo katirsan Xoola dhaqatada Gobolka Shiniile ayaa sidookale hore ugu hayaamay Gobolada Jijiga, Buuraha Oromada iyo dhooxooyinka wabiga Awaash ee Cafarta si ay xoolahooda ugu helaan daaq kuwaas oo laga baqaayo in ay abuuraan khilaafaad iyo colaado xoola dhaqatooyinka kale ee ay dhex dageen.

Sidookale qaybo kamida xoola dhaqatada degmada Cadaadley iyo qaaybo katirsan Godey ayaa lagu soo waramayaa in ay u hayaameen Somaaliya,halka kuwa Dhagaxbuur iyo Fiiq ay usoo dooleen(hayaameen) Dooxooyinka Faafan iyo Daakhato ee gobolkan Jijiga. Sidookale Xarshin ay u dooleen Somaliland.
Dhanka Awooda xoolaha waxaa lasheegayaa in lo’du ay aad u taag daraysay guud ahaan Deegaanka, halka geela iyo adhigu ay dhaamaan. Masheegin warbixintu wax xanuuno xoolaad ah dhilaacay ilaa hada marka laga reebo degmada Ayshaca oo ay xoola dhaqatadu kasoo cabanayaan cudur ay garan la’yihiin.

Dawlada Deegaanka somaalida gaar ahaan xafiisyada ay khuseeyaan Xaaladaha noocan ah sida Xafiiska Kahortaga iyo u Diyaar Garawga Masiibooyinka (DPPC),Xafiiska Caafimaadka, Beeraha iyo Biyaha iyo Sidokale haayadaha Kuhawlan arimaha bilaw’aadminimada sida WFP,WHO,UNCEF iyo Kuwa Maxaliga ayaa haatan ku hawlan sidii talaabooyin u qadilahaayeen ay wax ugu qabanayaan dadkan ay abaaruhu barokiciyeen.

Jijiga
Kilil5 Online