Ethiopia:Roobab Waawayn oo kada'ay Qaybo katirsan Gobolka Jijiga
Jijiga(Kilil5)--Roobab waawayn ayaa ka curtay Gobolka jijiga. Magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka ayaa habeenkii xalay uu ka da'ay roob aad u waynaa kaas oo daadadkii ay xidheen dhamaan wadooyinka magaalada, roobkan ayaa socday mudo dhawr saac. Sidookale, roobkan ayaa maan ta ka da’ay jijiga iyo nawaaxigeeda. Degmooyinka Qabribayax, Awbare iyo kuwa kale ee u dhadhaw magaalada Jijiga ayaa iyagana uu sifiican uga da’ay.
Xiligan oo deegaanka ay ka jireen abaaro dawlada deegaanka iyo haayadaha gargaarka fidiyaana ay ka wadeen Biyo dhaamin iyo Quudin ayaa dadku ay aad ugu farxeen roobkan oo ka bilaabmay qaybo kamida deegaanka iyada oo lagu rajo waynyahay in qaybaha kalena uu ka di’idoono.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















