Ethiopia: Liiska magacyada Gudiga Doorashooyinka oo ay dawlada Dhexe soosartay iyo Da'uud & Cabdi Ilay oon lagu soo darin!!
Jijiga(Kilil5)---Dawlada Faderaalka ee dalkan Itoobiya ayaa soo saartay liiska magacyada Gudiga Qaban qaabada doorashooyinka Deegaanka Somalida dhawaan ka dhicidoonta Deegaanka. Liiska gudiga doorashooyinka ayaa ka kooban shan xubnood oo kala ah
1. Mudane C/fataax Sh. C/laahi Gudoomiyaha Xisbiga Talada haye ee DDS
2. Bashiir C/laahi Caydaruus Wasiir ku xigeenka Beeraha ee Dawlada Itoobiya
3. Axmed Shide Wasiiru dawlaha Xafiiska Maaliyada Iyo H. Dhaqaalaha ee Itoobiya
4. Maxamuud Dirir Wasiirka Dalxiiska iyo Isgaadhsiinta ee dalkan Itoobiya
5. Dr. Sarhaye Xidig Afhayeen kuxigeenka aqalka
fadereeshinka Itoobiya
Dhamaan mudanayaashan loosoo doortay in ay hogaamiyaan doorashooyinka Deegaanka ayaa xilil waawayn ka haya Dawlada faderaalka marka laga reebo Gudoomiyaha Xisbiga mudane C/fataax sheikh cabdulaahi. Waxaa iyaga aan liiska gudiga doorashooyinka lagu soo darin labada masuul ee madaxwaynaha Dawlada Deegaanka mudane Daa’uud Maxmed Cali iyo Hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada mudane Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Ilay) oo ahaa labada masuul ee jaan gooya Siyaasada Deegaanka isla markaana inta badan uu loolan adagi ka dhaxayn jiray kuwaas oo sida lasheegay laga deeday codsigoodii in ay xubno ka noqdaan gudiga doorashooyinka.
Kamaqnaanshaha labadan xubnood ayaa aad hoos ugu dhigaysa saamayntii ay ku yeelanlahaayeen labadan masuul ka qayb qaadashada doorashooyinka iyo soo bixidoodaba. Gudigan lamagacaabay ayaa iyagu bixindoona kaararka musharax nimada deegaanka iyaga oo kaliya uu isasoo sharixidoono cida ay u ansixiyaan musharaxnimada. Sida aad wararkayagii hore kalasocoteen waxaa jiray warar sheegayay in dawlada faderaalku ay madaxwaynaha deegaanka hore uga diiday in uu isusoo sharaxo baalamaanka heer kilil ee deegaanka balse uu ikhtiyaar uleeyahay inuu isu sharoxo heer faderaal. Musharaxnimada heer faderaal ayaan iyadu ahayn mid qiimaheedu sidaas usii buuranyahay dadkuna aysan aad u jeclayn maadaama ay baarlamaanka faderaalku ay inta badan dibada ka yihiin siyaasada deegaanka iyo hawlaha deegaanka gudihiisa kasocda.
Dadka siyaasada deegaanka ka faalooda ayaa sheegaya in labadan masuul aan heer faderaal aad looga jaclayn halka Gudoomiyaha Xisbigu mudane C/fataax C/laahi aad ugu xidhanyahay dawlada faderaalka iyo waliba in uu bari kayahay dhibaatooyinka Siyaasadeed, Nabadgalyo iyo qulqulatooyinka ka dhaca deegaanka isla markaana uu yahay qof dhawrsoon taasina ay dhaxalsiisay in uu xubin kanoqdo gudigan. Waxaa sidookale aan aad looga jeclahayn labadan masuul deegaanka gudihiisa gaar ahaan siyaasadooda ku wajahan ladagaalanka nabadiidka oo ay wadooyin khaldan ama aan haboonayn u maraan. Sidookale waxaa jirta xurguf dhextaalay masuuliyiintan iyo baarlamaanka deegaanka ee heer Fadaraal ee ay kamidka yihiin xubnahan loosoomagacaabay daadihinta doorashooyinka deegaanka kuwaas oo lagayaabo in ay ka hor istaagaan in ay labadan masuul isasoo sharaxaan amaba dib loosoo doorto.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline













