Ethiopia: Dagaalo Liyuu Booliska iyo ONLF ku dhex maray, Xamaro,Sagag iyo Dhanaan iyo Xaflad losameeyay ciidanka kadib guulo ayk
Jijiga(Kilil5)---Ciidamada gaarka ah ee dawlada deegaanka Somalida ayaa maanta xaflad dhiiri galin ah loogu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Kadib markii ay ciidamada gaarka ahi ay guulo lataaban karaayo kasoo hoyiyeen laba dagaal oo ay jabhada ONLF kula galeen degmooyinka Xamaro iyo Sagag. Dagaalkan hore oo ka dhacay tuulo magaceeda layidhaa Gudhis ooka tirsan degmada xamaro ee Gobolka Fiiq ayaa jabhada lagaga dilay 10 qof oo sida la sheegayo ayka mid ahayd haweenay tiir adag u ahayd jabhada oo magaceeda la odhan jiray Afjano. Haweenaydan ayaa ahayd fanaanad ku caanbaxday heesaha dhiirigalinta kooxdan mucaaradka ah waxay sidookale uahayd guubaabiye aad ay u jeclaayeen. Waxaa sidookale Jabhada ay dagaalkan ciidamadu kaga soo qafaasheen 4 kale oo ay keeneen magaalad Jijiga ee caasimada deegaanka.
Waxaa sido kale lasheegayaa in dagaal kan lamid ahi isla shalay uu ciidmada booliska gaarka ah iyo jabhada ku dhexmaray meel u dhaw degmada Sagag ee isla Gobolka Fiiq. Dagaalkan ayaa sidookale lasheegayaa in jabhada marlabaad laga gacan sareeyay oo laga dilay 3 qof. Waxaan ilaa hada la shaacinin khasaara dhimasho iyo dhaawac ee soogaadhay ciidanka dawlada. Ciidamada ayaa maanta loosameeyay xaflad lagu dhiirigalinaayo gula ay kasoohoyiyeen dagaaladaas.
Dhanka kale waxaa lasheegayaa in dagaal kale uu dhex maray isbahaysiga ciidamada gaarka ah iyo maamulka degmada Dañan oo dhinac ah iyo Jabhada. Dagaalkan oo ka dhacay tuulada Burqa-Yar oo udhaw degmadan dañan ee Gobolka Godey ayaa lasheegayaa in maamulka degmadaas iyo ciidanka gaarku ay ugu bexeen hawlgalo milatari oo ay ku raad goobayeen jabhada. Dagaalkan oo sida lasheegayo laga awood roonaaday Maamulkii iyo ciidamadii gaar ka ahaa ayaa lasheegayaa in ay ku dhinteen 8 oo uu kamid ahaa Gudoomiyihiii Degmada Dañan
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline














