Ethiopia: Dagaalo ka dhacay Godey iyo Qiimayntii xafiisyada waawayn ee heer deegaan
Jijiga(Kilil5)---Wararka aanu ka helayno gobolka goday ayaa sheegaya in dagaal ba’ani uu ciidamada tadaaqiga iyo maamulka degmada goday oo wada jira iyo jabada ONLF ku dhex maray meel u dhaxaysa godey degmada dhoobawayn ee gobolka Qoraxay. Dagaalkan oo 2 cisho kohore dhacay ayaan ilaa shalay sugaynay xaqiijintiisa waxaana hada naloosheegay in dagaalka ay ku dhinteen 9 ka tirsanaa isbahaysigii ciidamada Tadaaqiga iyo maamulka degmada oo ay kamid ahaayeen Gudoomiye kuxigeenkii Degmada Godey, Hogaankii Nabadgalyada degmada iyo Madixii maaliyada degmadaas. Dagaalkan ayaa sida aanu wararka ku helayno laga il horeeyay maamulka degmada kuwaas oo usoo baxay hawlgal nabadgalyo.
Dagaalada noocan ah ee ay iskaga horyimaadaan maamulada degmooyinka iyo jabhaduhu ayaa ah mid caado u maamulka Deegaanka kuwaas oo madaxda iyo masuuliyiinta degmooyinka marwalba lagu qasbo in ay qoriga qaataan oo ay lasoo dagaalamaan jabhada iyaga oon habayaraatee wax tababar ah lasiin amaba ay suurogal tahay masuulkan la dirayaa in uusan xataa aqoon sida qoriga loorido taasina waxay keentaa khasaare intabadan soo gaadha maamulada taas oo dagaalkasta dadka ku dhintaa ay u bataan madaxda iyo maamulada degmooyinka. Deegaanka oo hada ku faana in uu leeyahay cudud milatari oo ay ku muquunin karaan kuna baabiinkaraan kooxaha nabadiidka ah ayaa hadana hawlgalkasta oo ay u baxayaan ciidamadani qasab lagaga dhigaa madaxda iyo maamulka degmooyinka iyo goboladuba in ay raacaan oo soo dagaaalamaan.
Dhanka kale waxaa maalmihiilasoo dhaafay uu shir qiimayn ahi uga socay xafiisyada waawayn ee heer kilil. Qiimayntan ayaa waxaa hogaaminaayay madaxwaynaha Deegaanka mudane Daa’uud maxamed cali iyo masuuliyiin heer faderaal ah oo badiba xafiisyada waawayn heer deegaan ay joogeen masuuliyiinti dhigooda ahayd ee heer faderaal. Waxaa sidookale ka qaybgalaayay maamulada Gobolada. Qiimayntan ayaa Xafiiska waxbarashada Deegaanka lagu siiyay kaalinta koowaad, kaalinta labaadna Xafiiska biyaha halka kaalinta sadexadna ay galeen Xafiiska Maaliyada iyo Beruhu.
Qiimayntan ayaa dadbadani ku tilmaameen in ay dhinac u janjeedhay oo aysan daacad ahay balse dhibcaha loogu kala helaayay sida loogu kala dhawyahay madaxwaynaha.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline














