Ethiopia: 20 qof u dhalatay deeganka oo lagu xidh xidhay Addis Ababa, iyo Xabsiyo laga daabulay maxaabiistii maalinkii xoola dha
Jijiga(Kilil5)---Warar nagasoogaadhay magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in dad gaadhaya 20 qof oo dhamaantood kasoojeeda deegaanka somalida lagu xidh-xidhay halkaas. Dadkan ayaa isugu jiro dhalin yaro meesha wax ka baranaysay, ganacsato iyo dadkale oo iska daganaa magaaladan. Dadkan oo ay xidh-xidheen ciidamada faderaalku ayaan ilaa hada lagaranayn sababta keentay xadhigooda balse loomalaynayaa in farta loogu fiiqay. Waxaa sidookale la sheegayaa in ganacsadayaasha qaarkood laga qaatay lacago gaadhaya 20, 000 oo birr. Xadhiga noocan oo kale ayaan ahayn kii ugu horeeyay balse dhawr goor oo hore ay ciidamada faderaalku u xidh xidheen dad koox koox iyo kali kaliba ah iyaga oo ku eedeeyay in ay gacansaar lalahaayeen kooxaha nabadiidka ah.
Dhanka kale warar aanu qarsoodi ku helnay ayaa sheegaya in habeenimadii xuskii maalinkii xoola dhaqatada ee isniintii ka dhacay magaalada jijiga la faaruqiyay 3 Xabsi oo waawaynaa iyada oo maxaabiistii loo daabulay ama looqaaday tuulo wax yar u jirta magaalada Jijiga iyada oo ay xukuumadu ka cabsi qabtay in wufuudan heer faderaal ee ay hogaaminayeen madaxwaynaha iyo Ra’iisal wasaaruhu ay booqasho ku tagaan Xabsiyadaas. Xabsiyada magaalada Jijiga ayaa waxaa buux dhaafiyay maxaabiis aad u tiro badan kuwaas oo badidoodku ku eedaysan “Ka Shaki” iyo tuhun in ay gacan saar la leeyihiin kooxaha mucaaradka ah, maxaabiistan ayaa badidooda aan la xukumi wax maxkamadana aan la horkeenin iyada oo dastuurka dalku uu dhigaayo in mudo 24 saac gudahood ah maxbuuska lagu keeno maxakamad.
Waxaa sidookale jeelasha kujira dad badan oo hore ay maxakamadu wax dambi ah ugu wayday balse aan lasiidaynin. Waxaa sidookale aad ugu madan jeelasha dad ehel iyo qaraabo toona lahayn ama meelo fog fog laga soo xidhay oo wax u dacwoonayaa jirin. Sidookale laga soobilaabo todobaadadii lasoo dhaafay waxaa aad isusoo taraayay xadhiga iyada oo jeelka loo taxaabaayay cidkasta oo laga shakiyo iyo waliba cida aan haysanin aqoonsiyda deegaanka. Dad waynaha ku nool deegaanka ayaan badidoodu haysan aqoonsiyo ay ku dhex joogaan magaalooyinka gaar ahaan dadka ka imanaaya tuulooyinka iyo miyiga. Sidookale Qabaleeyada magaalada ayaan siinin aqoonsiga dadka ku nool ama degan xaafadaha qabaleeyadaas iyaga oo inta badan waydiiya lacago musuq maasuqa oo qofka lacagta bixiya kaliya uu helo sharciga halka muwaadiniinta dan yarta ahi aysan helin kadibna ay ku mutaystaan xadhig loo xidhay sharicigaas awgii.
Warar aan lashaacinin aya sidookale sheegaya in dadkan tiradabadan ee buux dhaafiyay jeelasha laga dhigidoono wax lasiidaayay, wax dhaqan celin loosameeyay iyo wax laga dhigi doono ciidamo oo tababaro loo furidoono.
Jijiga
Kilil5 Online.



IslamOnline













