Jamhada ONLF u ku dishay laba dumar masaakiin ah magaalada Shilaabo ee Gobalka Qoraxey.

01/27/00
Format for printing    

wararka naga soo gaadhaya magaalada Shilaabo ayaa sheegaya in habeenhore goor fiidkii ah, goox ONLF ah oo soo gashay Magaalada Shilaabo ay ku dileen 2bo Dumar ah, oo hooyooyim ah, dad shacab ah oo aan kala xidhiidhnay magaalda ayaa noo sheegay, in Dumarkaas si naxariis daro ah loo rasaaseeyay, ayagoo garanaya in ay dumar masaakiin ah yihiin, arinta oo aad ooga yaabisay, dadka ku nool aaggaas.
Ilaa hadda lama garanayo, sababta ay u dileen ONLF tu Dumarkan, oo ahaa dad caan ka ah magaalada shilaabo oo lagu yaqaanay wanaag iyo Sharaf.
Dumarkan loo dilay sida Biniaadnimada ka baxsan ayaa lagu kala magacaabay,
1. Farxiyo Yusuf (Ilama Cabdi Loobaan hooyadood) Iyo
2. Khadro Shugri Badhcun.
labadan marxuum oo lagu aasay shalay magaalada, ayay dadku is waydiinayaan sababta keentay in dumar masaakiin ah oo hooyooyin ah sidan naxariis darada ah loogu took barto, arintan oo kale ayaa marar hore jamhadu ay sameeyeen oo dadshacab ah ay ku dileen.
lakiin tanu waxay noqotay tii oogu naxdinta badnayd

Ilaahay Ha u naxariisto gabdhahaas sida naxaris la aanta ah loo dilay,
dadbadan oo la soo xidhiidhay shabkadan Kilil5, ayaa tacsi u diraya eheladii iyo qaraabadii labada marxuum, waxayna Ilaahay ooga baryahayaan Naxariistiisa.

Kilil5 Online
Abshir Guled