Ethiopa: Xuskii Maalinka Reerguuraga oo siwayn loga xusay Jijiga, iyo 90 qof oo kudhimatay Diyarad Itobiyan ah oo ku dhacday bad
Jijiga(Kilil5)---Waxaa maanta magaalada Jijigga ee caasimada deegaanka siwayn looga xusay sanadguurada 12aad Maalinta Xoola dhaqatada Itoobiya. Xuskan oo lagu qabtay Garoonka kubada cagta ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan qoomiyadaha kaladuwan ee dalka kuwaas oo ay horkacayeen Madaxwaynayaasha Kililada. Waxaa sidookale saaka yimid madax heer faderaal oo ay horkacayeen Madaxwaynaha dalka ato Girma W/Gorgis iyo Ra’iisal wasaaraha dalka ato Males.
Xafladan ayaa lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameedyo kala duwan kuwaas oo qoomiyadkastaa ay soo bandhigaysay hidaha iyo dhaqankeeda, tusaale ahaan qoomiyada Shucuubta koonfureed( Dhabuubka) oo soo bandhigay ciyaarahoodii iyaga oo Qaa-Qaawan oo marayar uun ku xidhan xudunta hoostooda. Waxaa sidookale qoomiyada somalidu ay soobandhigeen xoolaha nool sida Awrta oo hareeraha laga sudhay boodhadh katurjumaaya ahmiyada xoolaha iyo xuskan manta.
Dhalinyarada iyo ciyaal iskuulka ayaa iyaguna soobandhigay ciyaaro iyo farshaxano aad u qur quruxbadan iyaga oo safaf u taagan hadbana sawiraaya Calanka dalka iyo kan deegaanka iyo waliba iyaga oo qoraaya magacyo ka turjumaaya ahmiyada maalinka kuwaas oo ay ku sawirayeen dharka ay xidhanyihiin. Waxaa sidookale farshaxan mucjiso ah oo ay indhuhu ku ashqaraarayaan kuwaas ood moodaysay in lagu soo gudbinaayay qalabka koombutuureka balse ay kasamaynayeen boodhadh qoraalo iyo sawiro ah oo ay wateen.
Waxaa markii dambe mikirifoonka lagusoo dhaweeyay madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida mudane Da’uud maxamed cali oo halkaas ka jeediyay qudbad kooban uu dhinacyo badan taabanaysay sida horumarka deegaanka iyo ahmiyada gaarka ah ee xoola dhaqatadu u leeyihiin guud ahaan dalka iyo gaar ahaan deegaanka. Waxaasidookale madashii xuska ka hadlay Ra’iisal wasaaraha dalka ato Males oo isaguna sidookale kajeediyay khudbad kusaabsanayd xuska maalinkan.
Ugu dambayntii Ra’iisal wasaare Ato Males ayaa kasoo qaybgalayaashii gudoonsiiyay Abaal marino kala duwan oo isugu jiray bilado iyo koobab. Sidookale Madaxwaynaha deegaanka ayaa gudoonsiiyay Hadiyad ay ka mid ahaayeen Bakoorado Madaxwaynaha Ato Girma, Raiisal wasaaraha ato Meles iyo dhamaan Madaxwaynayaashii Kililada kale.
Dhanka kale warar saaka intii xusku socday aanu ka helnay telefiishinka qaranka ayaa sheegay in diyaarad laga lahaa Itoobiya (Ethiopian Airline) oo nooceedu ahaa Jet ET 409 ay ku dhacday bada Midhitereeniyaanka waxyar uun kadib markii ay kasoo duushay bayruut caasimada Libnaan hawada oo xumayd awgeed. Diyaaradan ayaa sida lasheegay ay saaraayeen 90 qof oo ay kamid ahaayeen 23 Itoobiyaan iyo inta kale oo isugu jiray Lubnaaniyiin, Turki, Faransis, Kanadiyaan, Raashiyaan, Suriyaan iyo Ciraaqiyiin oo ay ubadnyihiin Libnaaniyiintu. Dadkan Itoobiyaanka aha ayaa waxaa kamid ahaa 8 qof ahaa shaqaalhii diyaarada. Waxaa sidookale lasheegayaa in ay kujirtay xaaskii safiirka Faransiiska ee Bayruut, Marla Pietton.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















