Ethiopia: Xuskii Malinka Xoladhaqatada iyo u diyaargarowga maalinka bari





01/24/00
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Xudks Sanad guuradii 12 AAD ee maalinka Reerguuraaga ayaa bari laga xusidoonaa magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka. Xuskan oo ay kasoo qaybgalayaan marti sharaf aad u balaadhan oo kakala socda dhamaan qoomiyadaha dalka ayaa madaxoodii soogaadheen caasimada deegaanka. Wufuudan oo aad u tirobadan ayaa looqorsheeyay in ay dagaan Guryaha martida iyo dhamaan huteelada waawayn ee magaalada. Waxaa todobaadkanba laga shaqaynaayay bilicda magaalada iyada oo lahagaajinaayay wadooyinka magaalada ee wawayn. Dhamaan wadooyinka, xafiisyada, goobaha ganacsiga iyo xaafadaha ayay dawladu amarkusiisay in ay hortooda sudhaan Calanka dawlada faderaalka kaas oo maanta aad uga muuqday magaalada.

Waxaa sidookale wadooyinka gaar ahaan agagaarka dawlada hoose iyo suuqa laga qotomiyay buufimooyin dhaadheer lagu nashqadeeyay calanka faderaalka iyadoo sidookalena calamo dhaadheer laga soo laalaadiyay. Waxaa sidookale maalmahanba socday soo xaraynta xoolaha kala duwan sida Geela, Loda, Adhiga iyo Dameeraha kuwaas oo loogu talogalay bandhiga maalinka xuska ee bari. Xoolahan ayaa lagu sii xareeyay baraxawayn ee lagu tukado salaadaha ciida halkaas oo uu kuwareegsanyahay darbiga ama dayrka xafiisyada kililku.

Amaanka magaalada jijiga ayaa aad loo adkeeyay, waxaa wadooyinka magaalada raxan raxan u wareegaya roondooyin hubaysan oo isugu jiran booliska deegaanka, ciidamada liyuu booliska, kuwa Arbaabatanaaga iyo kuwa faderaalka kuwaas oo ku labisan diraysyo iyo tuutayaal cusub. Waxaa dhamaan lajoojiyay gaadiidkii ganacsiga ahaa ee kabaxaayay magaalada Jijiga iyo kuwii soogalaayay iyo sidookale kuwa ganacsiga ah ee ka dhex shaqeeya magaalada sida Basaska, Tagaasida iyo bajaajka. Waxaa lafilayaa marti dharafta calculus isda Madaxwaynaha dalka ato Girma W/Gorgis iyo Ra’iisal wasaaraha ato Males Sanawi in ay soogaadhan magaalada Jijiga maalinka bari galinka hore halka martida kale lafilaayo in ay soo dhamaystirmidoonaan maanta galinka dambe.

Jijjiga
Kilil5 Online