Ciidamo Cusub oo Qalin Jabiyay & Kuwo Tababar u Xerooday

01/14/00
Format for printing    

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegay in dhawaan ay qalin jabiyeen 500 oo xubnood oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska. Ciidankan qalin jabiyay ayaa la sheegayaa inay isuhu jiraan khabiiro ku takhasusay Operators, Muhandis & Darawalo gaadiidka Ciidanka.

Sida la ogsoon yahay, natiijooyinka wax ku oolka ah ee ay keeneen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska dagaalka ay kula jiraan canaasiirta nabad-diidka, ayaa abuurtay in la kordhiyo oo xaga tayada & tiradaba laga dhiso cudduda Ciidamada Liyuu Booliska.

War murtiyeedkan waxaa kale oo uu tibaaxay in ciidamo cusub oo tiradoodu dhan tahay 4000 oo askari ay haatan tababar ugu xaraysan yihiin Degaanka Soomaalida gudahiisa.

Ciidamadan cusub ee tababarka ku jira oo ka kooban todoba Shaalaqe waxay qaadanayaan tababaro kala duwan oo ay siinayaan xirfadlayaal takhasus sare u leh fanka dagaalka oo ka socda Wasaarada Gaashaan-Dhiga ee Itoobiya.

War saxaafadeedku wuxuu kaloo sheegay in ciidamadii hore ee Booliska Gaarka ah ee Liyuu Boolisku ay si wax ku ool ah uga soo baxeen xilka ilaalinta amniga, balse ay ku koobnaayeen degmooyin & goobo gaar ah. Sidaa aawadeed, waxaa uu war saxaafadeedku sheegay in ciidamadan cusub la gayn doono goobaha kale, isla markaana loo dhaadhicin doono ciidamada Liyuu Booliska inay ku sugnaadaan heer tuulo.

Sidoo kale, waxaa war saxaafadeedku uu sheegay in ciidamadan cusub loo dhamaystiray dhamaan saadkii & logistikadii ay u baahnaayeen. Waxaa dhawaan xukuumada Degaanka Soomaalida ay ciidamada Liyuu Booliska ku taakulaysay gaadiid aad u fara badan oo u sahlaya inay si taabagal ah u shaqeeyaan isla markaana ay ku ilaaliyaan dhamaan xuduuda Degaanka Soomaalida.

Cakaaranews