Ethiopia:Ciidamada Federaalka oo diiday in baabuurta Xamulka ee deeganku raacan kolanyadooda iyo wararkale

01/10/00
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Wararka aanu ka helayno qaar kamida gobolada deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada faderaalku ay diideen in baabuurta waawayn ee xamuulka qaadaa ay raacaan kolanyada ama kaamboyga ciidamada dawlada ee u kala baxa degmooyinka. Baabuurta waawayn ayaa hore looga mamnuucay in ay u kala baxaan maagaalooyinka ama degmooyinka ay xasilooni daradu ka jirto iyaga oon lasocon kolanyada ciidamada iyaga oo looga cabsi qabo in kooxaha mucaaradku ay raashinka kala dagaan ama ay dhaqaale ka helaan. Hadaba is taas looga hortago ayaa baabuurta xamuulka qaadaa ay raaci jireen kolanyada ciidanka faderaalka ah oo laga yaabo bishiiba mar in ay ubaxaan meelaha ay baabuurtan waawayni u raranyihiin taas oo kaliftay in uu aad u adkaado isusocodka maciishada deegaanka dhexdiisa.

Hadaba wararka aanu ka helayno gobolada qaarkood ayaa sheegay in cidamada faderaalku ay joojiyeen raacitaanka baabuurta xamuulka qaada iyaga oo sabab uga dhigaaya in baabuurtan waawayn ee deegaanka laga leeyahay ay yihiin qaar gaboobay oo aan socod ahaan raaci karin baabuurta dawlada. Wararku waxay intaas ku darayaan in deegaanka ay yimaadeen baabuur waawayn oo ah nooca looyaqaan (Euro Truckers) oo laga leeyahay kililka Tigreega isla markaana ay ciidamada faderaalku ay rabaan in ay daaqada kasaaraan baabuurtii deegaanka si ay shaqo ugu sameeyaan baabuurtan laga leeyahay deegaanka tigreega. Wararka ayaa sidookale sheegaya in ciidamada Liyuu bolisku ama booliska gaarka ah ee deegaanku ay ka xanaaqeen arinkan isla markaana ay kaxeeyeen baabuurtii somalida markii ay diideen ciidamada faderaalku in ay raacaan baabuurtani taasina ay keentay in khilaaf uu soo kala dhexgalo labadii ciidan.

Dhanka kale waxaa jirta kormeero kala duwan oo xukuumada deegaanku ay u kala dirtay dhamaanba 52 degmo ee deegaanka kuwaas oo ujeedadoodu ay ahayd in ay soo baadhaan shaqaalaha lamagac baxay Ghost Workers ama shaqaalaha aan jirin ee kukala qoran degmoyinka deegaanka. Shaqaalahan ayaa ku abuurmay sababo kala duwan sida shaqaalaha lagu dhaadhiciyay degmooyinka oon tagin goobohoodii shaqo, shaqaale dhintay, qaar meelo kale u badashay kuwaas oo dhamaanba ay iska socdaan mushaaraadkoodii isla markaana ay lunsadaan madax-xafiiseedyada maaliyadaha degmooyinku. Shaqaalahan ayaa qiyaas ahaan lagu qiyaasayaa in ay gaadhidoonaa 1000 qof kuwaas oo miisaniyad ahaan ay ku lumijirtay lacag aad u badan.

Jijiga
Kilil5 Online