Jamhadda ONLF oo weerar ku soo qaaday Qabalaha Laasoole ee Degmada Shilaabo.
Shilaabo (Kilil5) Jamhadda ONLF oo weerar ku soo qaaday Qabalaha Laasoole ee Degmada Shilaabo.
jamhada ONLF ayaa weearar ku soo qaaday, Qabalaha Laasoole oo 12 Km u jira Degmada Shilaabo, Halkaas oo ay ka gaysteen dil, dhac iyo jidhdil.
mar aan la xidhiidhnay dad jooga degmada Shilaabo ayaa noo xaqiijiyay, weerar kan ay ONLF tu ku soo qaaday Laasoole in ay ku dileen
labo nin oo lagu kala magacaabo
1. Ina Gaarane Cabdi Gure
2. Ina Aadan Cali-Cad
iyo 1 qof oo ay dhaawaceen oo lagu magacaabo, Ina Raygal Duraan
iyo labo nin oo ay afduubeen oo aygu ahaa maleeshiyo beeleed, oolagu kala magacaabo.
1. Budul Gaarane Cabdi
2. Ina Aadan Hure
waxa kaloo dadkaasu noo xaqiijiyeen in ay Jamhadu hanti badan ay dhaceen, oo ay ka mid tahay tukaan wayn oo uu lahaa Sh. Maxamud Adan Hure oo ay dhamaan wixii yaalay ay ku rarteen gaadhiga Cali Nuur.
Qabalaha laasoole ayaa marar badan ay soo gashay ONLF tu taas oo sababtay in laga guuro tuulada 2007 kii, hadana waxaa dib loogu noqday oo la magaaleeyay dhamaadkii sanadkii 2008 kii, markaas oo ay dadka tuuladaa dagan ay dhaheen waxii noogu imaada waan iska celinaynaa.
Ashir Guuled
Kilil5 Onlne



IslamOnline














