Coomishinka Xuquuqda Wadanka Ethiopia Oo Kadayriyay Daryeel Xumada Kajirta Xabsiyada DDS

01/05/00
Format for printing    

Jijiga (kilil5)--Madaxa Hay'ada Xuquuqda Insaanka marka kalena looyaqaano Ethiopian Human Rights Commission ayaa canaan iyo eedeemo ka dhan kutumasha,daryeel xumada iyo dactir la'aanta xabsiyada xukuumada DDS,eedana tusha kasaaray xukuumada madaxwayne Da'ud Maxamed. Dr Kassa Gebre Hiwot oo ah commissionerka guud ee hay'ada xuquuqal insaanka Itoobiya (Ethiopian Human Rights Commission) ayaa booqasho 3 maalmood ah ku yimid magalada Jigjiga,kadibna shir uu layeeshay dhammaan xeer ilaalinta,garsoorka iyo booliska noocyadiisa kaladuwan ku eedeeyay sida ay ugu tuman hayaan xuquuqda muwaadiniinta xabsiyada kujirta iyo shacabka ismaamulka Somalida Itoobiya isaga oo ku tilmaamay inayba lasoconin in muwaadiniinta deegaanka ay xuquuq leeyihiin sharciga wadankuna tixgaliyo xuquuqda shaqsiga ilaa xad.

Dr.Kassa Gebre oo mudo dhow kayimid Geneva halkaas oo eedeemo badan wadanka Itoobiya looga soojeediyay gaar ahaan ismaamulo gooni ah oo uu kamidyahay ismaamulka qoomiyada Soomalida ayaa booqasho lamafilaan ah ku tekay xabsiga looyaqaano Jeel Ogaden, halkaas oo u ku arkay dhibaato badan oo haysata maxaabiista meeshaa ku jirtay oo tiradooda lagu qiyaasay 1700 halka xabsiga uu qaadi karo 300 oo maxbuus keliya. Dr Kassa isaga oo ilmaynaya ayuu dib shirkii ugu laabtay isaga oo ugu goodiyay saraakiishii shirka joogtay inayna ka baqaynin in jeelkan noocan iyo foolxumida uu kusoo arkay aysan saraakiishan berito gurigooda noqon karin sida kuwa badan oo boosaskooda uga horeeyay shalay maantana jeelka kujira. Dr. Kassa ayaa waydiiyay su'aalo kulkul saraakiishii qoobta fadhiday waxaana ka mid ahaa, "War intiina meesha fadhida berri in aad meeshaa gashaan miyaynaan kabaqaynin? War maxaabiistu soo dad bili'aadan iyo muwaadiniin wadanka iyo deegaanka u dhalatay ma aha? War idinkuma jiro miyaa qof xanuun aadanimo kujirto? War soow idinkuma jiro qof yaqaana sharciga wadanka iyo xaqa sharciga wadanku siinayo xuquuqda shaqsiga?"

Dr, Kassa ayaa shirka ka cadeeyay in shirkii Gineva ee uu hada ka yimid waxa wadanka Itoobiya lagu eedaynayay ay ka mid ahaayeen wixii dhamaan wixii uu jeelka kusoo arkay,waxa uuna balanqaaday inuu warbixin kulul iyo dacwad ka dhan ah u gudbin doono dawlada dhexe ee Itoobiya.

Dhanka kale,ciidamada ammaanka degmada Gursum ayaa gacanta ku dhigay nin sitay waxyaabaha qarxa oo uu ku qarsaday falaasada shaaha,isaga oo doonayay in uu fal qarax ka gaysto meel shir lagu hayay.Maalmahan dambe waxaa kusoo badanhayay deegaanka soomaalida dadka damacsan inay wax qrxiyaan iyada ciidanka nabadgalyada iyo booliska deegaanka ay ka hortageen falal badan oo larabay in wax lagu qarxiyo.

Jijiga,
Kilil5 Online.