Bilado Militari Oo Xalay lagu Gudoon Siiyay Saraakiil katirsan Ciidanka Liyuu Booliiska
Jijiga (kilil5)--Xalay ayaa saraakiil farabadan oo katirsan ciidanka Liyuu Booliiska lagu gudoon siiyay bilad sharafyo farabadan iyo dalacaad saraakiil ciidanka katirsan oo loogu mahadnaqayay guusha ay ka soohoyiyeen ladagaalanka Jabhada ONLF.Xaflada aqoonsiga iyo bilad siinta oo xalay lagu qabtay aqalka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ayaa waxaa kasoo qaybgalay hogaanka nabadgalyada iyo Cadaalada Cabdi Maxamed Omar iyo saraakiil sarsare oo kasocday dawlada dhexe iyo ciidanka qalabka sida ee Itoobiya.
Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada ayaa si fiica ugu amaanay shaqada ay u hayaan shacabkooda iyo sida geesinimada ah ay howshooda u guteen isaga oo sheegay in maanta deegaanka ay ku yartahay kooxda mucaaradka iyada oo ciidanka Liyuu booliska ay dabargooyeen Jabhada intii ka hadhayna ay u carareen wadanka Soomaliya in yar oo kahadhayna ay dhuumasho ku joogaan deegaanka.Xafladan ayaa waxaa lagu dalacsiiyay saraakiil farabadan, meesha sargaalka magaciisa layidhaahdo Cabdi Muxumed Iraad lagu dalacsiiyay jagada ugu saraysa ee korneel.Ciidanka ayaa sidoo kale loogu dhawaaqay in mushaarkooda lookordhiyay hada wixii ka dambeeya inkasta oon lagu dhawaaqin inta ay dhantahay mushaarka loogu daray.
Sidoo kale,isla xafalada ayaa hogaanka nabadgalyada iyo cadaalada Cabdi Maxamed Cumar waxuu ciidanka Liyuu Booliska gudoonsiiyay 50 gaadhi oo cusub oo qabaal ah iyo hub waawayn oo cusub oo hada ciidanka loogu deeqay waxaana hubkan ciidanka iyo gaadiidka ugu deeqay dawlada dhexe ee Itoobiya iyo ciidanka dawlada dhexe.Hubka waawayn ayaa waxaa ka mid ah qoryaha waawayn ee looyaqaano Dhashiika.
Ugu dambayntii, shabakada kilil5 ayaa waxay u diraysaa farxada sanadka cusub ee 2010 dhamaan akhristayaasha shabakada kilil5 ee ku sugun aduunka dacaladiisa iyo wadanka .Waxaan leenahay sanadka cusub illaah ha inooga dhigo kii keena farxad,nabadgalyo,caafimaad,barwaaqo iyo horumar.Dhamaan sanadkan 2010 Illaahay ha inooga dhigo ku kafiican sanadkii tagay.
Jijiga,
Kilil5 Online.



IslamOnline














