Shirar Lagaga Hadlayo Nababgalyada Oo Maanta Ka furmay Dhamaan Qabaleeyada Magaalada Jijiga

Submitted by webmaster on Mon, 2009-12-28 15:18
Dec 28 2009

Jijiga (kilil5)--Maanta waxaa laga bilaabay dhamaan qabaleeyada magaalada jijiga shirar socon haya 4 maalmood oo lagaga hadlayo nabad galyada magaalada iyo nawaaxigeeda,kadib markii cabsi laga qabo kooxda mucaaradka iyo dhaqdhaqaaq ay damacsantahay inay ka hirgaliso caasimada ay soo ifbaxeen waayadan dambe. Shirkii xaafada 04 oon kaqaybgalay maanta ayaa waxaa shirka kabacdi xabsiga lootaxaabay sadex habrood oo lagu eedeeyay inay gacansaar laleeyihiin kooxda mucaaradka. Sadexdan hooyooyin ayaa mid ka mid ah lagu eedeeyay in gabadheeda ay u guurisay nin ka tirsan Jabhada ONLF,mid kale waxaa lagu eedeeyay in laba wiil oo ayeeyo utahay ay ka mid noqdeen Jabhada ONLF, meesha haweenayda kalena uu wiilkeeda guursaday gabadh katirsan ONLF.Dumarkan ayaa waxaa ku makhraati furay haweenay kale oo ay isku dhawaayeen.Haweeyayda lagu eedeeyay in wiilkeedu guursaday gabadh katirsan ONLF ayaa kitaab ku martay shirka dhexdiisii inay eedayntani tahay beenabuur hase yeeshe markii afti looqaaday la isku raacay in habsiga lootaxaabo.

Dhinaca kale, maalintii shalay dagaal dhex maray maleesho beeleeda ciida gale ee agagaarka magaalada awaare ee Gobalka Dhagaxbuur iyo ONLF ayaa Kooxda mucaaradka laga dilay 4 nin meesha dhinaca maleeshiyadana laga dilay hal nin.

Ugu dambayntii, maalmahan waxaa ardayda dugsiga sare iyo macaahida (institutions) magaalada jigjiga loogu sooban dhi gayay si gaar gaar ah hoolka shirarka ee sayid Maxamed Cabdille Xassan filim Documentary ah oo laga soo diyaariyay xafiiska Nabadgalyada iyo Cadaalada ee DDS.Shirarkan ayaa waxaa daadihinayay hogaanka Nabadgalyada Cabdi Maxamed Cumar iyo Wasiirka waxbarashada Cabdiraxman Sheekh Maxamed Guray. Shirarkan ayaa waxay ujeedadoodu ahayd sida aan warar hoose ku helnay wacyi galin ardayda inay ka foojignoodaan ama ka dheeraadaan kooxaha mucaaradka,dardaaaran u adeega dhulkooda iyo ka qaybqaadashada dhiska gobolka iyo mashruucyada horumarka iyo inay si daacad ah ugu adeegaan dawladooda Soomalida iyo dawlada dhexe.Sidoo kale,warar kale ayaa sheegaya inay shirarka ay garabsocdeen ujeedo kale oo ahayd in arday dhigata kuliyada caafimaadka oo magacyadooda xafiiska nabadgalyadu hayay lawaafajiyo wajigooda.Kadib markii ardayda qof qof looyeedhiyay ayaa xabsiga lootaxaabay arday dhowr ah oo katirsanaa ardaydii laraadinvhayay arimo laxidhiidha dhinaca nabadgalyada.

Ugu dambayntii,Isla shirkan,arday ayaa sameysay shoobaro iyo rabshado kadib markii loodiiday inay tukadaan salaadii magribka.

Jijiga,
kilil5 Online.