Raaso oo Noqotay Seylad Xoolaad Muhiim ah

12/19/09
Format for printing    

Raaso (Kilil5)--Deegaanka Raaso oo ah meel dalsan ah oo ay xoolu aad u dhaqmaan, gaar ahaan adhiga, ayaa wuxuu noqoday seylad weyn oo adhiga laga iibsado. Dadka adhiga iibsada waxay ubadanyihiin ganacsato ka yimaada gobolka Dhagaxbuur iyo Soomaaliland, inkasta oo ay jiraan ganacsato meelo kale oo deegaanka Soomaalida Itoobiya ka tirsan ka yimaada. Xoolaha Raaso laga iibsado waxay usii gudbaan dhanka Soomaaliland, ugu dambeyntiina waxaa laga dhoofiyaa dekadda weyn ee Berbara, halkaas oo maraakiib waaweyn lasaaro, loona qaado dhanka Gacanka Carbeed, gaarahaan Sucuudiga.

Xaaji Axmad Cabdiraxman oo ka mid ah hogaamiyayaasha Raaso ayaa iisheegay in tirada xoolaha laga iibsado Raaso ay saddex jibaarantay, qiimaha xooluhuna ay aad kor ugu kaceen ilaa intii uu Sucuudigu xayiraadda ka qaaday xoolaha Soomaalida. Waxaa hadda seyladda Raaso neefka fiican ee adhiga ah lagu kala gataa $50 (konton oo dooladh). Halka markii hore neefka lagu kala gadanjiray $20-30 (labaatan ilaa sodon dooladh). Xoolaha ayaa marka Raaso laga soo kaxeeyo lasoo mariyaa magaalada Buundada ee kutaalla Wabi Sheellee, halkaso oo xitaa hadii uu wabigu buuxo ay xuuluhu marikaraan ayaga oo ka gudba buundada weyn ee isku xirta wabiga labadiisa daamood ama labadiisa dhinac.

Dadka kale ee seyladda Raaso adhiga ka iibsada ayaa waxay ka yimaadaan dhanka Kenya,inkasta oo aynan tira ahaan u dhigmin ganacsatada ka yimaada dhinaca Dhagaxbuur iyo Soomaaliland. Xaaji Axmad ayaa iisheegay inay xoolaha xayiraadda laga qaaday Raaso u keeneen dhaqdhaqaaq ganacsi iyo nolol ama maciishad aad uga jaban siday noloshu ahayd bishan bisheedii.

Yahya Yusuf
Addis Ababa