Ethiopia: Isgaadhsiintii Mobile ka iyo Internetka oo waxwayn laga badalay khadkoodii magalada Jijiga
Jijiga(Kilil5)---Shirkada Xidhiidhka Isgaadhsiinta ee dalkan Itoobiya (ETC) ayaa ka wada deegaanka mashaariico loogu talogalay wax ka qabashada khadadka isgaadhsiinta taleefanada oo waayadan dambe aad u liitay. Shirkada ayaa bilihii lasoo dhaafay isbadal wayn ku samaysay khadadka ay isticmaalaan taleefanada gacanta ee looyaqaan mobile ka oo baryo dhawayd khaatiyaan ay ka taagnaayeen dadka wataa. Dadwaynaha kunool deegaanka gaar ahaan kuwa degan degmooyinka iyo magaalooyinka ay ka shaqeeyaan taleefanadan gacantu ayaa la dhibaastoon jiray isticmaalka iyo adeegsiga taleefanadan oo aan meela u gali jirin iyada oo marwalbana khadku kugu soo celin jiray hawada ayaa mashquul ah ( the network is busy), qofkaad la hadashay hawada ayuu ka maqanyahay (out of the service area) wuu xidhanyahay (switch off) wixii la halmaala. Taleefankaaga oon xidhnayn ayaa xumi ay hawadu xuntahay daraadeed sheegi jiray in uu xidhanyahay.
Hadaba ciladaham ayaa lagu tilmaami jiray in ay sababeen tirada dadka qaatay khadadkan(mobilada) oo aad u badnaa, anteenooyinka magaalada oo aad u koobnaa iyo dawlada faderaalka ee shirkadan gacanta ku haysa oon xilwayn iska saarijirin deegaanka somalida. Hadaba mudo hada dhawr bilood laga joogo ayay shirkadani bilawday in ay magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka ka qotomiso anteenooyin ilaa dhawr iyo toban ah, kuwaas oo ay gacan kasiinayeen farsamo yaqaano jayniis ah. Kadib markii anteenooyinkii la qotomiyay ayaa khadkii diciifka ahaa ee magaaludu uu hawada kasii baxay oo uu sii xumaaday iyada oo ay dadwaynuhu filayeen in ay ka raysandoonaan khadadkan ay la wareersanaayeen oo xataa mararka qaar u saamixi waayay in ay moobayladooda lacag ku shubtaan.
Madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida mudane Daa’uud maxamed Cali oo shir qiimayn ahaa oo ka dhacay magaalada addis ababa kaga hadlay canaan kululna u soo jeediyay shirkadaha faderaalka laga maamulo sida Shirkada Isgaadhsiinta iyo tan Laydhka sida aysan wax xil ah isaga saarin horumarinta deegaankiisa iyo in shaqaalahoodu ay ubadanyihiin dadkii kasoo hadhay dhargigii iyo waliba in aysan shaqalaysiisan somalida. Hadaba waxaad moodaa in shirkadan isgaadhsiinto ay oofinayaan balanqaadyadoodii ahaa in ay wax ka badalidoonaan sedan, taas oo hada deegaanka laga dareemi karo horumarka lataabankaro ee dhanka khadadka isgaadhsiinta moobilada oo hada aan wax cilad ah lahayn marka laga reebo degmooyinka oo wali khadkiisii liito. Todobaadkii lasoo dhaafay ayay sidookale shirkadu ka bilawday magaaladan jijiga ee caasimada deegaanka balaadhinta khadadkan iyaga oo xadhko badan ku aasay dhulka iyaga oo raacinaaya wadooyinka magaalada, waxa sidoo kale lafilayaa in ay soo kordhindoonaan adeego kale. Mobilada gacanta ayaa kaliya adeegyada ay bixin karaan ay tahay ku hadalka iyo fariimaha gaagaaban balse aan lahayn adeegyada laga isticmaalo caalamka gaar ahaan dawladaha jaarka la ah deegaanka sida Somaliland iyo Kenya oo heerka isgaadhsiintoodu uu aad u sareeyo moobilkagana aad u adeegsankarto hawlo badan isda ku-kaydinta lacagta ooaadan u baahanayn in aad lacagtaada dhigato bangi iyo waliba adeegyo kale.
Waxaasidookale isbadal wayn laga dareemayaa khadka inernetka oo awal hore wakhtiyo badan hawada ka maqnaanjiray.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















