Ethiopia: Qiimayntii Xafiisyada ee bishan Hidhaar oo bilaabatay, iyo Biyo Galin lagu sameeyay qaarkamida xaafadaha magalada Jiji
Jijiga(Kilil5)---Madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida mudan Daa’uud Maxamed Cali ayaa bilaabay qiimaynta xafiisyada heer deegaan. Madaxwaynaha ayaa ilaa shalay qiimeeyay xafiisyo dhawr ah oo ay kamid yihiin, xafiiska Arimaha haweenka, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Iskaashatooyinka, Kuliyada Caafimaadka, Maaliyada, iyo hawlaha guud. Qiimayntan oo xafiisyada lagu qiimaynaayay waxqabadkoodii bilihii lasoo dhaafay laga soo bilaabo bishii Hamle (11/2001) ilaa bishan Hidaar (3/2002). Xafiisyadan ayaa badidooda lagu amaanay waxqabadkoodii bilihii ay soo dhaafeen marka laga reebo dhawr xafiis oo uu kamiyahay xafiiska hawlaha guud.
Xafiiska Shaqada, Horumarinta iyo hawlaha Guud oo isagu maamula dhamaanba mashaariicda deegaanka ayaa isaga aad moodaa in uu aad ugu badanyahay musuq maasuqu iyada oo ingineerada ka shaqeeya xafiiskaasi lagu eedeeyo in ay sitoosa ugu xidhanyihiin heshiisna layihiin qandaraaslayaasha. Madixii xafiiskan mudane Fu’aad Axmed Sh.Xasan ayaa isaga todobaadkii lasoo dhaafay laga xayuubiyay xilkii isaga oo lagu eedeeyay in uu san waxba kabadalin Arimihii musuqa ee hore uga jiray xafiiskan. Waxaa sidookale lagu badalay madax xafiiseedkan Eng. C/Risaaq Rashiid Cumar oo isagu madax-xafiiseed ka ahaa xafiiska horumarinta Jidadka Miyiga. Ingineerkan ayaa lafilayaa in uu waxwayn ka badalidoono arimaha musuqa ah ee ragaadiyay xafiiskan.
Dhanka kale Wakaalada biyaha ee magaalada Jijiga ayaa biyo galin ku samaysay qaar ka mida xaafadaha magaalada jijiga oon hore biyo u lahaan jirin. Xaafada ugu qadiimisan isla markaana u balaadan magaaladan jijiga, xaafada 01 (seero andhi) , oo hore qaar kamida bulshada kunool xaafadaasi ay cabasho iyo baaq ay u jeedinayaan maamulka deegaanka usoo gudbiyeen shabakadan wararka ee Kilil5 ay kaga cabanayeen biyo la’aanta ayaa hada loo siidaayay biyihii sitoosana ay uga cabaan qasabadaha.
Jijiga,
Kilil5 Online



IslamOnline














