Mashruuca waxbarashada ee Degmada Shilaabo oo noqday mid midho dhal ah



12/11/09
Format for printing    

Shilaabo (kilil5)-- Bishii December ee 2003 ayaa qaar kamida bulshada qurbaha joogta ee reer Shilaabo kulan ku yeesheen magalaada London ee boqortooyada Ingiriiska.Kooxdani waxay baadi goob ugu jireen sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka bulsho ee soo jireenka ah ee hadheeyey guud ahaan deegaanka Ogadenia gaar ahaanna degmada Shilaabo iyo nawaaxigeeda..

Shilaabo kama jirin Dugsi sare bulshada ku noolna arintaas dhibaato ayaa ka ahaysatay, ardayda ka baxday Dugsiga dhaxe waxay aadi jireen, magaalooyinka kale sida Qabridahar iyo Jijiga, araday badana halkaas ayay waxbarashadooda ku joojin jireen.

Nasiib wanaag, ololihii ay waday jaaliyadu waxuu noqday mid midho dhalay oo lagu aas-aasay Dugsi Sare oo ah fasalka 9aad – 10aad, aas aaskan Dugsiga sare oo ay qayb libaax ka ciyaartay jaaliyada reer shilaabo ee qorbaha ku nool iyo xubno jooga wadanka gudihiisa, waxaa la shaqaaleeyay macalimiin tayo leh oo heer jaamacadeed ah oo laga soo xushay Kilil ka, taas oo sababtay in ay naqoto waxbarashadii Dugsiga sare mid heer sare ah ama tayo leh, Tusaale ahaan Dugsiga sare ee shilaabo sanadkii dhawayd waxuu galay kaalinta labaad ee Dugsiyada kililka,.

Sida laga soo xigtay wasaarada waxbarashada ee heer Kilil waxay sheegtay in ay u fadhiisteen imtixaankii 135 Arday kuwaasoo 106 kamid ahi ay ku gudbeen dhibcihii looga baahnaa.ee loogu gudbayay fasalka 11aad Waxaana halkaas soo dhaafi waayey oo 29 Arday oo qudha, oo ayaguna heli kara fursado kale sida Technical institute iyo college yanka private ka ah.

Waxaa hadaba sanadkan ay ka hergalisay wasaaradu class ka 11aad oo hada ardaydu reer shilaabo, Dhoobowayn, iyo meelo ka mid ah wardheer arday ka timid ay dhigtaan, waxaa na gacan ka gaysanaya Jaaliyada reer shilaabo mushahaar dheeri ah oo macalimiinta la siinayo iyo hawlo kele.

Deeqdan waxbarasho waxay wadau jaaliyadu mudo dhawrsano ah, waxayna noqotay mid midho dhal ah .

Jaaliyada reer shilaabo waxaad kala xidhiidhi kartaa emailka
reer_shilaabo@yahoogroups.com ama sahaldoh@hotmail.com

Ayanle Dulane