Shabakada Kilil5 Oo Raadinaysa Wariyayaal Cusub

12/07/09
Format for printing    

Minneapolis (kilil5)--Shabakada Kilil5 oo ah shabakada loogu akhris badanyahay deegaanka Ismaamulka Somalida Itoobiya,ahna shabako madaxbanaan ayaa waxay raadinaysaa shaqaalo wariyaal oo cusub oo ka shaqayn doona magaalada Jigjiga iyo Addis Ababa.Cidii rabta ama danaynaysa waxaa laga rabaa shuruudahan soo socda:

1-Shahaado jaamicad oo suxufinimo,warbaahin iyo teknologiyo.

2-Cidaan haysanin shahaadada suxufinimo,waa inuu leeyahay khabiirnimo warbaahin oo cadaynaysa inuu kasooshaqeeyay warbaahinta wadanka sida joornaalada, yo wargaysyada wadanka dawlada ama shirkadaha madaxa banaan mudo ugu yaraan labo sano ah.

3-Inuu leeyahay aqoon sida loo isticmaali kombutarka iyo isticmaalka aaladaha teknologiyada kala duwan iyo interneetka.

Qofkii danaynhaya waxuu ku soo hagaajin karaa shahaada aqoon iyo warqad cadayn khubrad shaqo (work Experience) warsidaha guud ee kilil5 admin@kilil5.com.

fadlan soo raaci telefoonka lagaa helikaro,emailkaada iyo sawirka shahaadada iyo warqada cadaynta khubradaada.