Maleeshiyo Beesha Cawlyahan Oo Tuulada Gabbel Ku Dilay 12 Qof Kasoojeeda Beesha Sheekhaal
Goday (kilil5)--Dagaal ka dhacay tuulada Gabbel ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 12 qof tiro 13 ahna ay dhaawacyihiin.Dagaalkan oo u dhaxeeya beelaha Caraguduud Sheekhaal iyo Cawlyahan,Ogaadeen ayaa salka ku haya dhul sheegasho iyo beero la isku haysto.
Odayaal kasoojeeda Beesha Sheekhaal oon wax ka waydiinay dagaalkan ka dhacay tuulada Gabbel ayaa sheegay in maleeshiya kasoojeeda beesha Cawlyahan ooy taageerayaan ciidan ay ku tuhunsanyihiin ciidanka cusub ee dawlada DDS ay dagaal ku sooqaadeen tuulada Gabbel shalay khamiistii iyo Arbacadii lasoodhaafay, halkaasna ay ku dileen dad iskugu jira beeralay iyo dablay tiro yar oo ilaalinaysay beeralayda. Dadka naloogu sheegay inay ka badbaadeen dagaalkan oo qabka telefoonka kula xiriiray magaalada Laab ayaa noosheegay in ciidan kor u dhaafaya 100 askari oo watay baabuurta dawlada oo ka yimid degmada Cadaadley ay weerar ku soo qaadeen tuulada Gabbel halkaasna ay cagta ku mariyeen beeralaydii beeraha joogay iyo dablay koox ah oo ilaalinaysay beeralayda.Dadkan kasoo baxsaday weerarkan ayaa kilil5 u sheegay in dadka lalaayay qaar aysan hubaysnayn oo ahaayeen dad rayid ah oo beerahooda iskaqodan hayay.Sida ay ku waramayaan dadkan dagaalka kasoo qaxay,dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah beeralay duurka laga soo qabqabtay markay dagaalka ka carareen,toogashana lagu dilay.
Dagaalkan ayaa salka ku haya kadib markay beeralay Caraguduud ay dib ugu soo laabteen beerahoodii ooy ka qaxeen dagaal dhexmaray beesha caraguduud sheekhaal iyo beesha cawlyahan mudo hada laga joogo lix bilood.Beerahii oo waraabay iyo balanqaad maamulka gobolka Goday ayaa sida wararku sheegayaan dib dadkani ugu soo laabteen beerahoodii si ay u tabcadaan.
Sida ay noogu warameen dadkan dagaalka kasoo fakaday, ciidan Cadaadlay ka yimid oo saaraa ilaa lix gaari ayaa si dhibyar lugta u mariyay dablaydi Caraguduud ee ilaalinaysay beeralayda,lagana dhigay wax ladilay, wax dhaawac ah iyo Wax cagahooda ku baxsaday.Nooma suura galin inaan laxiriiro dhinaca beesha Cawlyahan siday wax u dhaceen inkasta oon isku daynay.Oday kasoojeeda beesha oon wax ka waydiinay magaalada Godey ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo isaga oo farta noogu fiiqay maamulka Godey inaan arinta ka waraysano.
Afhayeenka Beesha Caraguduud, Bashir Sheekh Mursal oon magaalada Addis Ababa aan kula xiriirnay qabka telefoonka ayaa kilil5 u sheegay in ciidanka Caraguduud kusoo duulay uu ahaa ciidanka dawlada ee degmada Cadaadley.Bashiir Sheekh ayaa intaas ku daray in qafaal wayn loogaystay beesha Caraguduud, beesha Cawlyahana ay dawlada deegaanka u adeegsatay qafaalka beesha Caraguduud Sheekhaal. Afhayeenka beesha Sheekhaal ayaa intaas ku daray in abaabulka dagaal ee laga wado Cadaadley iyo sida ciidanka dawlada,hubka dawlada iyo gaadiidka dawlada beesha Cawlyahan ay ugu adeegsanayso caraguduud iyo sida madaxda dawlada sarsare aysan arintan uga aamunsanyihiin ay xasuusinayso dagaalkii Raaso iyo sidii dawlada loogu isticmaali jiray ladagaalanka beesha Sheekhaal.
Majiraan maamulka Godey wax aaday tuulada dagaalku ka dhacay, maanta iyo berito ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu wafdi ka yimaado caasimada Jijiga.Xukuumada ayaa hada aruurinaysa odayaal dhaqameedyo labada beelood oo lagu wado inay hormuud kanoqdaan xal raadinta khilaafka tuulada Gabbel. Waxaan isku daynay inaan telefoon kula xidhiidhno madaxwaynaha Da'ud maxamed caawa iyo subaxnimadan balse telefoonkiisu wuu dansanaa iyada oo maanta lagu jiro dabaaldagii ciida Adhxa.Waxaan sidoo kale telefoon kula xidhiidhnay Gudoomiyaha Gobolka Goday waxaana naloo sheegay inuusan joogin oo uu baadiyaha ku maqanyahay.
Ahmed Yusuf
Goday,kilil5



IslamOnline






















Iska jira!
Aad baan uga xumahay dadka macno la'aanta loo xasuuqayo. Laakiin kilil5 soow idinkii jeclaa Liyuu police-ka maxay dadka masaakiinta ah ku xasuuqeen? Waxaan hubaa qoladan aad iska nacdeen ee ONLF ta ah ayaa aad uga wanaagsan sababtoo ah wali ma maqal duulaan qabiil oo ay galeen.
malaha kilil5.com maanta wax
digniin
As.c w. w. dhamaan dadka shaabakada ku taxan waxan idiinka digaya jahliga maxa keeney dad walalo ah daris ah isku dad ah isku diin ah isku dal ah in ay isdilaan waa jahliga aduunku wuxu ku tartama inta qof e afkoda iyo afkaartoda ay iskaga mid yihin ama ha madoobaado ama ha cadaado inaga soomaali ahna labada walalaha aya is cuneysa taasina wa jahliga war dadow kibirka wa lagu kufaa taa hala ogaado aduun iyo aakhiriba caaqibo mayeesho qofki kibra iyo kii ku taageeraaba
Waan ka Xumahay aad iyo aad!
Waa wax laga naxo In laba Bidaarle ay Shanlo isku haystaan< Nafo loo waayayo, iyada oo uu Dhulkii Dusha ka haysto Woyanka Maqale ka yimid, iyagana la isku diro oo mindiyo la isugu Dhiibo Dhulkeenna Waxuu ku filanyahay Dhammaan Somali oo idin isla daa inta Dagtee Haddana waxaa is haysta kuwii Dad isugu Xigay ee Wiilka iyo Adeerkiis ahaa Abti iyo ilmahiisii ahaa, Waan ka Xumahay aad iyo aad,
Kilil5.com Waxaan ku ogaa Afhayeenka Kuwa Dadka Qaybiyay ee Jigjiga iyo Harar Jooga ee Goormay Soo Noqdeen?
Maalmo ayaa laga joogaa Kolkii ay Qorayeen Jwaaabcelin Werarkii ONLF ee ay la haayeen waxba maysan layn iyo Way jabeen Sidii iyaga oo ah Afhayeenka TPLF,
Pls Ka Shaqeeye Midnimada Dadkeenna iyo Wanaaga Waxa xuna yaan la buun-buunin
salaan
waxaan layaabanahay ciidanka niyuu polisku waxaay ku handacoon jireen waxaan ladagaalamaynaa jabhada laakiin waxayladagaalamaan shacabka