Faahfaahin Kusaabsan Dagaalkii Shalay ka Dhacay Tuulo Katirsan Magaalada Laab

11/24/09
Format for printing    

Goday (kilil5)--Kadib markaanu dabagalay war sheegay in dagaal horleh ka qarxay beelaha Caragaduud,Sheekhaal iyo Xawis,Cawlyahan tuulo ka mid ah magalada Laab ee gobolka Goday,ayaanu waxaan xaqiijinay in dagaalkan shalay dhacay uusan ahayn dagaal horleh oo u dhaxeeya labadan beelood balse uu ahaa qafaal ay gaysteen ciidanka dawlada DDS ee Liyuu Booliis.Sida wararku aanu ku helay ciidanka Liyuu Booliiska oo dhaqdhaqaaq kawaday Cadaado maalmahan,ayaa sida wararku sheegayaan lagu hogaamiyay beeralay beer abuur kujiray.

Sida warar khaas ah aanu ku helay,Ciidanka Liyuu Booliska ayaa si gaadmo ah ooda uga qaaday xabad beeralaydii iyo ilaaladii ilaalinaysay dadka beeralayda ah iyaga oon waxba iska dhaadaynin kadibna goobtii iskaga cararay.Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in sargaalka watay ciidanka uu kasoojeeday beesha cawlyahan waxaana jira tuhun ah in qafaalkan uu salka ku hayo colaada hada kataagan labadan jilib ee xaawis iyo caraguduud.Weerarkan ciidanka dawladu gaysteen ayaa waxaa ku dhintay afar qof meesha dhaawacuna yahay 4 qof.Afarta qof ee Dhaawaca ayaa hada lakeenay magaalada Goday oo lagu dawaynayaa.

Ciidanka Dawlada ee Liyuu Booliska ayaa waxaa soo badan haya dhibaatada ay u gaysayaan dadka rayidka,ciidanka oo loogu talagalay inay ladagaalamaan kooxda mucaaradka ee ONLF ayaa marar badan gaysta aargoosi qabiil iyo wixii lamid ah.Ciidanka ayaa lagu tiriyaa inuusan lahayn dhisibilin militari,mid boolis iyo hogaan fiican oo ay ka amarqaataan iyo mid dabagala falalka xadgudubka dhinaca shacabka.

Beesha Caraguduud oo beeralay ah ayaa sida shacabka deegaanka waxay kujiraan xiligii beer abuurista iyo tacabka beeraha,iyada oo shacabka deegaanku uu soo maray abaar aad u xun ayaa hada lagu jiraa xiligii tacabka beeraha.Waxaan kujiraa ninka watay ciidanka magaciisa iyo sababta keentay in ciidanka dawlada qafaal u gaystaan dad shacab ah oo larabay inay ilaaliyaan nabadgalyadooda.Odayaasha beesha Sheekhaal ayaa waxaa lagu wadaa inay lakulmaan maamulka Gobolka Goday waxaana lagu wadaa inay ka dacwoon doonaan waxay ku tilmaameen adeegsiga ciidanka dawlada wax laxiriira aargoosi qabiil iyo colaad abuur cusub labada beelood ee walaalaha ah.

Goday,
Kilil5 Online.

Sympathy for suffering inoncent Somalis in the Region

#19552 On Wed, 2009 11 25 16:37 Oh I born there but not belong in both clans fighting. (not verified) said,

In general I really feel sorry for the suffer of our nomadic civilians in the region of Ogaden Ethiopia(Somali state) or the people of western Somalia etc.Particularly,in this current incident btw the two brotherly clans,it's really a sad news for me and indeed it touches my heart.Because,I known the area and the culture of the people,although I am not belonging to non of these clans,but again they are both my peoples and the areas is my birth place.I knew the nomadic culture and the general tribal mentality in the region,which that it bases all about the ignorance's of the people and the lack governing systems in the regions.They never got the peace to settle and a governments that provided the basic social services people needed.
So its really a sad news and a trebling one,still that hearing the continuations of miserable tribal killings going on in my birth region of Ogaden,which called now,the Somali state region in Ethiopia.

Why in this 21st century,my people killing in to each other.Why they lacked a good governing until today? For how long perpetually the the Somali Ogadens would stay in such miserable conditions? How long it would take to prevail the peace?