Liyuu Booliis: Ma Ciidan Dawladeedbaa mise Waa Maleeshiyo Shaqsiyeed oon Xeer iyo Dhaqan Militari lahayn? Canbaarayn Falalkooda

11/12/09
Format for printing    

Dagaalo dhowr ah oo dhexmaray Ciidanka dawlada Ismaamulka Soomaliyeed ee looyaqaano Liyuu Booliska iyo Jabhada Mucaaradka ee ONLF ayaa waxaa jab wayn loogeystay jabhada mucaaradka halkaas oo dhaawac iyo dhimasho badan loogaystay kooxda mucaaradka.Shabakada dawlada Ismaamulka Somalida ee Cakaaranews ayaa waxay duubtay cajalad muuqaal iyo maqal ah oo cadaynaya dhimashada tirada kooxda mucaaradka iyo maxaabiista laga qabtay.Maxumo in dawladu soo bandhigto sawirka maydka si ay cudayso sheegashadeeda tirada ciidan ay ka laysay kooxda mucaaradka oo markasta beenisa in ciidan laga laayay ama laga qabtay basle waxaan marna la ogolaan karin dhinac dhaqan iyo dhinac diimeed,waxa ku cad cajalada cakaaranews;in dad dhintay ama mayd ah koorkooda lagu dhaanteeysto ama falalka fooshaxun ee ah in qof dhintay lagu dul dunto ama lagu istaago.

Qofka dhintay haduu islaam yahay iyo haduu diinkale haystaba,waxuu mudanyahay sharaf iyo ixtiraam sida ay diinta islaam inoo sheegayso.Sidoo kale dhaqanka Soomaliyeed ayaan taariikhiyan ogolaan jirin faraxumayn iyo ku xadgudubka qofka dhintay maydkiisa.Sidoo kale,xeer caalamiga ee militari iyo midka xuquuqda insaanka ee caalamiga ayaa waxay xaarantimaynayaan ku xadgudubka qofka dhintay iyo falalka ku cad muqaalka cakaaranews.

Su'aasha iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay,sideebay kalsooni u siinkartaa shacabka gobolka in ciidankooda nabadgalyo ay u dhaqmaan sida cajalada ku xusun? Ciidanka Liyuu Boolisku ma ciidan dawli ahbaa oo dhisibiliin,tababar iyo hogaan amarqaadasho leh mise waa maleeshiyo sida kooxda mucaaradka ee ONLF ay ladagalamayaan? Haduusan dhinac dhisibiliin iyo hogaan uusan u dhexeeynin ciidanka dawlada ee Liyuu Booliska iyo kooxda mucaaradka,sidee buu shacabka deegaanku kalsooni iyo rago ciidan dhisibiliin leh, iyo aaminaad loogu qabi karaa? Cakaaranews oo ah shabakada dawlada ismaamulka Soomalida soobandhigeeda cajalka muuqaal oonan ahayn markii ugu horaysay balse shabakadan ay caado iyo dhaqan ka dhigatay,waa wax laga yaxyaxo,laga xumaado,iyo in lacanbaareeyo falalkan ku xadgudbaya dhaqanka bulshada Soomaliyeed,dastuurka deegaanka Ismaamulka Soomaliyeed,dastuurka wadanka Itoobiya iyo dastuurka caalamiga ee Geneva.

Waxaa kale oo iyaduna canbaarayn mudan maamulka shabakada Cakaaranews iyo mas'uuliyiinta sarsare ee maalgaliya shabakada Cakaaranews.Waxaan marnaba la ogolaan karin in shabakad lagu bixiyo lacagta shacabka deegaanka iyo dhaqaalaha loogu talagalay horumarinta gobolka ay ku dhaqanto talaabooyin ceeb ku ah shacabka iyo mas'uuliyiinta sarsare ee hogaanka gobolka haya.Waxaan baaq degdeg ah u gudbinaynaa madaxwaynaha DDS Mudane Da'ud Maxamed iyo hogaanka nabadgalyada Cabdi Mohamed Omar inay amar ku bixiyaan in cajalada muqaalka ah ee dhaanta ciidanka Liyuu booliska ku dultumanhayaan laga saaro shabakada, maamulka shabakada Cakaaranews lakala diro sida ugu dhaqsaha badan.Cajalada Cakaaranews kujirta waxay ceeb kutahay maamulka DDS iy shacabk deegaanka Soomaliyeed, waana waxaan la ogolaan karin oo aan meela kagajirin dhaqanka,diinta,sharafta shacabka iyo ilbaxnimada caalamiga iyo qaraarada aduunka u yaala.

Waxaan markale ku celinaynaa in dawlada ay si sharaf leh u soo dayn karto maxaabiista ay dagaal ciidanka liyuu booliska ku qabtaan iyo maydadka kooxda mucaaradka,waase in loosameeyaa si qaabilsan sharciga wadanka,dawlada DDS iyo qaraarada militari ee caalamiga.Waxaan marnaba la ogolaan karin waxa ku cad cajalada Cakaaranews iy dhaqankan jaahiliga ee lagula dhaqmayo dadka dhintay maydadkooda.

Farhan Maxamud
Kilil5 assistant Editor.

Our people knew from the

#19526 On Fri, 2009 11 13 14:26 Abdullah (not verified) said,

Our people knew from the beginning that TPLF and their crimimanal stooges like Da`ud and Abdi Iley are braft of any moral and human decency.Just watch their behavior over dead bodies.Waxaad moodaa dhurwaa raq kudabaaldegeysa.It would not surprise anyone if those are their own friends because its the same for the Tigrays who employ them.I wonder what the people who used to support these people in Jigjiga would say now?I`m not an ONLF supporter but a normal person from that region who greately troubled by this barbarity.Without a doubt,ONLF would benefit from these boorish and ugly behavior of the Ethiopian Government and their men in K5.That`s why the young men and women join the ONLF.

Calooshaa Isoodhacday

#19524 On Fri, 2009 11 13 01:39 Xaliimo cabdikadir (not verified) said,

waa wax laga naxo,laga murugoodo.markaan daawaday cajaladan calooshii baa isoodhacday,mantagbaa qaaq iri,ilaa hada muruq iyo naxdin baan ka bixi lahay.sidee baa wax inaga yahay,warsoow wilashan dhaantada ku tumun haya maydka wilasha ay laayeen mawada dhalan.hadaad disho walaalkaa soo ma ahayn inaad maydkiisa aasto ood sharafto,war maxay tahay xayawaanimadan soow dad islaam ah maynaan ahayn.war maxay tahay cadawnimada intan la eg ee walaalkaa ood dishay aad dhaanto dushiisa ku qabsanayso mise maydkiisa ku isistaagayso.war gaalka ayaan sharaf ahayn inaad maydkiisa ku tumuto marka aad disho oo loobahanyahay inaad maydkiisa aasto si quruxbadan oo biliaadnimo ah.

Illaahayow sidan si ka qurxoon noodhaan.aaway dad madax ah ama mas'uuliyiin ah oo wax isku fali miyaysan shacabku iyo deegaanku lahayn.aaway madaxda deegaanka ee lasheegayo,ma ciyaalsuuqnimadan cajalada ka muuqata miyaa madaxda deegaanka?

Never seen anything like it

#19523 On Fri, 2009 11 13 01:30 Qorane yusuf (not verified) said,

Never seen anything like it.The question I have is this; are these dead boys not somalis? are they not from the region? what is the difference between the killed and the ones celebrating joyful on the dead? I mean what happened to our intelligence, what happened to our values,what happened to our faith? Is our faith and religion just a symbol? Is our culture a thing of the past?

brothers fight all the time and I understand people are on both sides of the political aisle but this video demonstrates clearly what is wrong with us somalis these days. we are becoming people without values,people who wear their religion on their sleeves, people who say one thing but practice another,people with leaders who have an evil mind,leaders who can tell what is right and wrong...blind leadership...

This video has killed whatever support i had for the DDS administration.A government that behaves in this manner deserves no support.I think they can forget any goodwill and support they got from their recent visit to the Diaspora. We in the diaspora won't be part and will not support a goverment that acts worse than the insurgent group its fighting and in such a barbaric manner.

For the ONLF,they have brain washed these young boys and sent them to be massacred..Its sickening these guys enjoy in luxury hotels,surburban homes,their children enjoying the good life of western society and sending these unfortunate boys to their graves...Very sad indeed...these young boys lives cut short in such a horrifying senseless manner.who are they fighting, their own brothers and cousings, and dying for what? senseless,shameful,barbaric,thoughtless,cowardly....from all sides!!!!!!

This is an insult to all of US

#19522 On Fri, 2009 11 13 00:54 Abdikani shukri (not verified) said,

I can't see the ONLF but I have never been sick to my stomach watching this video.This is savagery,barbaric and shameful.I have been a big supporter of the Da'ud regime but i'm extremely disappointed today.I'm disappointed because this video says a lot about the values of this regime, its mindset and thinking and its regard to the law.

Its very clear that the liyuu police isn't as they were sold of. They are just a bunch of undisciplined rag-tug militia not a police force. They are unfortunately as I see it as dangerous as the ONLF they were suppossed to protect us from.Shame on president Da'ud and Abdi Mohamed Omar.They should be fearful of these thugs they have trained and armed.

Its time the president and Abdi Iley behave like real leaders and stop copying the insurgent group.They are behaving like the insurgent group they are fighting.They need to decide whether they want to be real government that abides by all laws;local,national and international or they want to behave like an insurgent group like the ONLF.This is just shameful and somebody needs to be held accountable. People need to be outraged. if we can't be outraged, then, shame on all of us.They need to remove this video before the rest of the world witnesses and all hell break loose.Da'ud and Abdi Omar can easily loose their job if the world media picks up on this...This is just savagery and barbaric...

I have shown a white friend of mine and he right away forwarded to a hunmanitarian friend of his...he was just shaken to his bones..I'm not joking...The SYMBOLISM OF THIS BEHAVIOR IS JUST DAMNING TO ETHIOPIA AND DA'UD ADMINISTRATION...IF ONLY THEY WILL UNDERSTAND...

I don't care how good the administration are or how they want to spin it...this video says alot about the leadership,and everyone involved...If the leadership of this region are about this, then, somali region is damned!!!!!!!!!!!!!!

Waa mahadsantihiin Laakiin????

#19521 On Thu, 2009 11 12 22:04 Colhaye (not verified) said,

Salaam Bogga iyo Bahda Warbaahinta Kilil5.com
Intaas waxaa ii dheer mahadcelin Sida aad uga Xumateen Falka Viedo-ga ah oo muujinhaya Tayo Xumida Kuwa ay Qaarkeen Madax u haystaan iyo Axmaqnimada ku jira, Waxaysan ogayn Karaamada uu leeyahay Maydka Nooca uu doono ha ahaadee iyo in loo baahanyahay Sharfiddisa, Laakiin kuwa aan Sharfin Hooyadood iy Dumarkooda damiirkana uu siiyay Xitaa in ay mayka gubaan Ma ka fili karraan Karaamayn mayd?

Wiilasha Maydka ah ee uu ku dhaantayn waxaa laga Yaabaa in Qaar ay yihiin isla New-police-ka illeen kol haddaydhinteen Ethiopia wax macna ah uguma fadhiyaanee, Haddiibase ay ahaayeen onlf la laayayay Maxay tahay wax ay soo biirin Ku tumashadoodu?

Haddi Mooryaanta liyuuga ee loo asaasay in ay asturaan Ciidanka Ethiopia ay moodeen in adduunku uusan kawarhayn way Qaldanyihiin,
ONLF Maalin walba iyo dagaal walba waxaa hubal ah in ay Dilaan Maleeshiyo iyo Ciidan Ethiopia iska daa ku tumashe wali maysan natusin Mayd xitaa, Taas ayaana Tusaale fiican u ah waxa ay yihiin iyo Sida ay ugu bisilyihiin Shaqadooda una Xushmayn hayaan Dadnimada xitaa kii cadowga ahaa,