Ethiopia: Cabashooyin ku saabsan Qaadashada Baasaboorada iyo Sababaha loogu diido muwaadiniinta udhalatay deegaanka
Jijiga(Kilil5)---Waxaa jirta in codsiyo kala duwani ay nagasoo gaadheen dhalinyaro u dhalatay deegaanka soomalida kuwaas oo ka cabanaayay laanta socdaalka ee bixisa baasaboorada. Hadaba hadii aan si faafaahsan uga hadalno qaybta migireeshinka ama socdaalka, waxaa jirta in dhibaatooyin badan ay kala kulmaan muwaadiniinta u dhalatay deegaanka somalidu qaadashada baasaboorka Itoobiyaanka taasna waxaan u kala qaadi karnaa laba arimood.
1. arinka koobaad oo ah nabadgalyo daro ka jirta deegaanka soomalida taas oo ay kalifeen kooxaha mucaaradka ah amaba ay nabadiidka ugu yeedhaan dawlada deegaanka somalidu. Waxaa jirta in baadhitaan badan lagu sameeyo muwaadiniinta u dhalatay deegaanka iyaga oo laga baadhayo arimo la xidhiidha nabadiidka iyo kooxaha kasoo horjeeda dawlada taasina waxay kaliftay in dad badan oon iyagu waxba galabsan loodiido in lasiiyo baasaboorka arimahan nabadiidka oo looga shakiyo awgeed, waxaa jirta qabiilo sigaara culayska loosaarijiray kuwaas oo lala xidhiidhin jiray kooxaha nabadiidka ahi qabiilada ay u badanyihiin
Iyada oo umada soomaliyeed ee kunool deegaanka somalidu ay xuquuq ahaan kala simanyihiin umadaha iyo qoomiyadaha kale ee kulool dalkan itoobiya dhinaca dastuuriga ayaa hadana qaska iyo qul-quladaha ay wadaan kooxahan mucaaradka ahi ay kaliftay in xuquuqdii ay lahaayeen muwaadiniinta u dhalatay deegaanka la kala dhantaalo iyaga oon si xor ah uga qaadan karin baasaboorada iyo dhukumantiyada socdaalka sida qoomiyadaha kale ee dalka oo iyagu sitoosa uga qaata laanta socdaalka ee Addis Ababa iyaga oon lamarin wax baadhitaan ah. Halka dadka u dhashay deegaanka somalida lagu xidho warqad uu ku saxeexanyahay hogaanka nabadgalyada iyo arimaha cadaalada mudane Cabdi maxamuud cumar oo kasoo baxda xafiiskiisa cadaynaysana in uusan wax xidhiidh ah lalahayn kooxaha mucaaradka ah. Waxaa sidookale dadbadan loogu diidaa qaadashada baasaboorka hadii ay jiraan dad ehelkooda, ama faamilkooda ah oo layaqaano in ay katirsanyihiin kooxaha mucaaradka ah
2. Arinka labaad ayaa isna ah dad aad u tiro badan oo kayimaada dawladaha jaarka ee Somaliya , Somaliland iyo Puntland kuwaas oo deegaanka u soodoonta baasaboorada Itoobiyaanka iyaga oo kaararka aqoonsiga (matawaqiyaha) kasoo goosta toolooyinka iyo degmooyinka deegaanka ee u dhadhaw xuduudaha wadamadan kadibna la yimaada magaalada jijiga iyo laanta socdaalka ee xafiiska nabadgalyada iyo arimaha cadaalada kacodsada baasaboorka iyaga oo sheeganaaya in ay yihiiin muwaadiniin u dhashay degmooyinka ay kasoogoostaan aqoonsiga. Arinkanina waxa uu sii adkeeyay baadhitaankii dadka lasiinayo baasaboorada . iyada oo muuqaal ahaan aan lakala saarikarin guud ahaan somalida meel kastaba ha u dhalatee hadana waxaa jirta qaabab ay laanta socdaalku adeegsato sida Lahjada (Accent ) ay ku hadlayaan dadkani tusaale ahaan lahjada reer xamarka, reer waqooyiga iyo reer bariga sida puntland oo ka duwan tan ay ku hadlaan dadka u dhashay deegaanku. Waxaa kale oo jirta su’aalo farabadan oo lawaydiiyo dadkan kuwaas oo ku saabsan goobaha ama degmooyinka ay sheegtaan in ay ka yimadeen sida waa ayo Gudoomiyaha gobolkaas/degmadaas? Amaba waa ayo qabiilada daga degmadaas? Imisa qabiil ayaa daga?. Hadaba dadkan ka imanaaya wadamada jaarka oo iyaga qudhootu usii diyaar garooba su’aalahan soona xifdiya waxyaabaha lawaydiindoono ayaa inta badan ku baasa imtaxaanka halka dadbadan oo u dhashay deegaanku oon iyagu filaynin soona dhiganin in lawaydiindoono su’aalahan amaba garanwaayidoonaan ay ku dhacaan imtaxaanka. Tusaale ahaan hadii aad magaalada jijiga ka dagantahay xaafada Koowaad qasab maaha runtii inaad taqaano gudoomiyaha qabalahaas, amaba duqa magaalada jijiga hadii aysan hore dani kaaga galin taasna waxay ku noqotay bulshadii caqabad ay kuwaayaan xuquuqdoodii muwaadinimo ee ay xaqa u lahaayeen in ay helaan baasaboorada.
Waxaa kale oo jirta arimo la xidhidha dhinaca musuq maasuqa oo la sheego in ay cida ay rabaan ka qaataan lacag qaar kamida kuwa ka shaqeeya laanta socdaalka una diidaan cida ay damacsanyihiin in ay ka helaan lacag iyaga oo og ama garanaaya in ay yihiin muwaadiniin kaso jeeda deegaanka. Arinkan oo sida aanu wararka ku helnay mar lagaadhsiiyay hogaanka nabadgalyada iyo arimaha cadaalada ayaan maqalay in hogaanku uu digniino siiyay cida lagu ogaado in ay qaatado lacag ama iibsata baasaboorka.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline














