Ethiopia: Masuuliyiin sarsare oo u ambabaxaya Gobolada Ololihii dorashada iyo dorashooyinki hore oo ka fogaa dimuquraadiyadada

11/09/09
Format for printing    

Jijiga(Kilil5)---Xisbiga D.SH.S ee hada haya talada dawlada deegaanka somalida aayaa baryahanba isu diyaarinaayay sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen ololaha doorashooyinka. Xisbiga ayaa shirar isdaba jooga ahi uga soconaayay magaalada jijiga ee caasimada deegaanka. Xisbiga ayaa bilaabay talaabooyinkii ugu horeeyay ee ololaha doorashooyinka iyaga oo dhamaanba Gobolada deegaanka u kala diraaya masuuliyiin sarare, madax-xafiiseedyo iyo xubno kaleba si ay uga bilaabaan degmooyinka wacyigalin ay bulshada kaga raadinayaan kalsooni iyo in ay codadkooda siyaan wakhtiga doorashooyinka.

Inkastoo ay jiraan xisbiyo kale oo doorashooyinkii hore kula tartamay X.D.SH.S deegaanka sida Xisbiga WSLF iyo SODAF, hada ma muuqato wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay muujinayaan xisbiyadani sidii ay uga qayb galilahayeen doorashada soosocota. Doorashooyinkii hore ayaan deegaanka uga dhici jirin si dimuquraadiyad ah marka laga reebo magaalada Jijiga ee caasimada deegaanka. Doorashooyinkii iyo codbixintii Gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa iyadu ka fogayd dimuquraadiyada oo Ciidamada fadaraalka iyo Maamulada goboladu ay shacabka ugu hanjabi jireen in aysan dooran karin cid aan ahayn Xisbigan talada haya, waxaana inta badan dhici jirtay in xubno ka tirsan maamulka degmooyinka iyo ciidamada faderaalku ay fadhiisan jireen miiska codbixinta iyaga oo eegaya ama fiirinaaya cida uu u codeeyay codbixiyuhu, taasina ay khalkhal iyo cabsi ku abuurtay dadkii codka bixinaayay oo iyagu aan si khiyaar ah u dooranin cidii ay rabeen balse lagu qasbay in ay u codeeyaan xisbigan talada haya.

Waxaa dhacday in degmooyinka qaar ay ciidamada faderaalka iyo maamulada degmooyinku ay shiriyaan shacabkii codbixinta kahor una sheegeen in aysan isku daalin in ay doortaan cid aan xisbiga ka tirsanayn isla markaana ay talaabo ka qaadidoonaan cidii u codaysa xisbiyada kale. Waxaa sidookale dhici jirtay in degmooyinka qaar ay codbixintu uga dhacdo sicaadi ah balse kumanaan kaadhadhka codbixinta lasiin jiray cida u sharaxan Xisbigan talada haya ehelkeeda, qaraabadoda iyo cidkasta oo u codaynaysa dadkan. Waxaa sidookale caado ahayd in la shubto coddadka dadka u codeeya xisbiyada kale codadkoodana loowareejin jiray xisbigan marka ay gaadho tirinta. Hadaba iyada oo ay jireen marxaladahaas aan soo shegnay ayaa waxaad moodaa doorashadan in Xisbiga talada haya aysan jirin cid kula loolamidoonta doorashada, dadkuna waxay aad uga mooraal jabeen ku biirida xisbiyadan kale taas oo ay aaminsanyihiin in ayna wax faa’iido ah soo kordhindoonin maadama ay filayaan in codadkooda laga shubandoono iyo in aan ikhtiyaar lasiindoonin taageerayaashooda.

Ugudambayntii waxaa lafilyaa in doorashadani ay waxoogaa ka badalnaandoonto kuwii hore maadaama guud ahaan dalka lafilaayo in laga hirgalindoono doorasho dimuquraadi ah

Jijiga
Kilil5 Online

anagu waan fahansanahay

#19517 On Wed, 2009 11 11 09:47 maxamuud (not verified) said,

anagu waan fahansanahay xaqa iyo baadhilka umaha ku kala socota
waxaad tahay tuug qabyaalad iyo isku dirka shacabka reer ogadeniya
u samaystay weebka kilil5 taana waan fahanay ee waxaan ku leeyahay
adu ilaahaaga haa ka fogaanin intaad isleedahay wax isku dir