Biya La'aanta Caasimada Jijiga Ka Jirta oo Maalgashayaasha Magaalada Kacabanayaan

10/18/09
Format for printing    

Jijiga (kilil5)--Magaalada Jijiga ayaa waxaa kajira biyo la'aan ba'an xaafadaha caasimada deegaanka qaarkood,midan oo ay ka cabanayaan maalgashato magaalada maalgashtay.Biyo la'aanta magaalada Jijiga ka jirta oo shacabka caasimada degan ay mudo dheer ka cabanayeen ayaa hadana biyo la'aanta waxay saamaysay shirkadihii ganacsiga iyo ganacsigii sida hoteelada laseexdo iyo makhaayadaha laga cunteeyo.Kadib markay cabashooyin farabada shabakada kilil5 kasoogaareen ganasatada magaalada Jijiga ayaan waxaan asbuucii lasoo dhaafnay samaynay baaritaan iyo dabagal biyo la'aanta magaalada Jijiga.

Hadaba inkastoo ay jijiga kamid tahay magaaloyinka ugu roon dhanka biyaha hadana waxaa jirta xaafado ka mida magaalada jijiga o ay biyo yaraani kajirto, halka xaafadaha qaar aan wali wax biyo galin ah lagu samayn oo ay ka cabaan biyaha biyooolaha maadaama aysan jirin wax booyado ah oo kadhex shaqeeya magaalada. Biyo yaraanta marka aanu leenahay maaha biyaha roobka balse waxaan ula jeednaa biyaha Qasabadaha.
Xafiiska Wakaalada biyaha ee jijiga ayaad iyaga moodaa in aysan wax war ahba ka hayn xaalada biyo la’aanta ee caasimada degaanka waxaan sidoo kale jirin cid ku dabagasha ama qiimayn ku samaysa.

Wakaalada biyaha ayaa isagu xafiis ahaan hoostagta Xafiiska biyaha ee degmada Jijiga kaas oo isna sii hoostaga xafiiska Biyaha, macdanta iyo Tamarta ee heer
deegaan. Hadaba qiimaynta Xafiisyada gaar ahaan Xafiiska biyaha ee kililka ayaa isaga marka laqiimaynaayo waxaa badiba culayska lasaaraa gobolada hoose ee badiba abaaraha iyo biyo la’aantu ka dhacdo, waxaan iyada lasoo dhigin meesha amaba aan laga wada hadlin inteee in leeg oo
xaafadood oo degan ishii ama caasimadii deegaanka ayaan helin biyo nadiifa, intee in leeg ayaa lagaadhsiiyay intee inleeg ayaase u baahan in loogaliyo qasabado biyood.

Xaafadahan ay biyo yaraantu ka jirto ayaa waxaa kamid ah qaaybo kamida xaafadaha 01, 02, 06 iyo 07. Hadaba waxaa layaab leh in aysan jirin cid usoo jeeda iyo cid u dhaq-dhaqaaqaysa biyo galinta xaafadahan. Inkastoo ay jiraan dad badan oon iyagu awoodayn inay soo gashadaan biyaha hadana waxaa jirta dad badan oo iyagu awoodi lahaa in ay soo
gashadaan diyaarra u ah balse waayay adeegii Wakaalada biyaha ay biyo galin ugu samayn lahaayeen. Hadaba anaga oo ka duulayna Codsigii iyo cabashooyinkii ay nasoo gaadhsiiyeen qaar kamida bulshada ku nool magaalada jijiga waxaan baaq gaadhsiinaynaa musuuliyiinta deegaanka gaar ahaan kuwa ay quseeyaan cabashooyinkani ee Xafiiska biyaha, macdanta iyo Tamarka ee heer kilil, Kan heer degmo iyo wakaalada biyahaba in ay wax ka qabtaan baahidan ay sheeganayaan shacabku.

Caasimada deegaanka ee Jijiga ayaan lahayn maamul dawlad hoose (local government or city council) oo kamadax banaan dawlada ismaamulka deegaanka midana ay dhalisay inaysan jirin dawlad hoose oo lagala xisaabtamo baahida shacabka ku nool caasimada Jijiga.Magaalada Jijiga ayaa ah caasimada kaliya marka loo eego caasimadaha kale ee kililada Itoobiya oona lahayn dawlad hoose inkasta oo magaaladu ay leedahay duq iyo duq ku xigeen. Hadaba,haday ganacsatadii iyo goobihii ganacsigu ka cabadaayaan biyo la'aan iyo adeeg xumo bulshada, ayaa waxaa adkaanaysa in maalgashiga magaaladu uu siibalaadho sida ay ganacsatada magaaladu carabka ku dhufan hayaan.Hoteelada ayaa ka mid ah goobaha aad biyo la'aantu u saamaysay.

Jijiga,
Kilil5 Online.