Ethiopia:Dagaal dhimasho iyo dhaawacbadan keensaday oo kadhacay Agagaarka Qabridahare.
Jigjiga (kilil5)--- Hogaanka Nabadgalyada iyo Arrimaha caddaalada Mudane Cabdi Maxamad Cumar ayaa war dag dag ah kasii daayay E-TV ga Qaybta afka soomaaliga xalay.Hogaanka ayaa tilmaamayay in uu dagaal khadhaadhi ku dhex maray Ciidanka DDS ee Liyuu booliska iyo ONLF agagaarka Magaalada Qabridahare islamarkaasna ay ciidamada boolisku ay kaga dileen Mucaaradka inkabadan 35 nin kanafurteen inkabadan 25 qori iyo waliba qalab farabadan oo a kamid yihiin Turaaye yaal iyo GPSyo.Hogaanku ma'uusan sheegin khasaaraha kasoogaadhay ciidanka booliska.Wali majiraan dhanka kale ee kooxda mucaaradka wax u hadlay oo beenin haya warka dawlada DDS.
Warka naga soogaadhaya magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dhinaca ciidanka boolisku uu waynyahay. Wararka madaxa banaan een helnay ayaa tibaaxaya in dhimashada booliska ay gaarayso ilaa 25 booliska deegaanka dhaawacuna intaas kor u dhaafayo inkastoo xaqiiqda tirada saxda ay adagtahay inaan ogaano, hase yeeshee tirada aanu helnay oonaan wali sixin ayaa intaas ah,wararkayaga dambe ayaan kubayaamin doonaa waxii kaduwan tiradan aan hada shaacinay.Ilo sare oo katirsan DDS oon wax kawaydiinay dagaalkan iyo khasaaraha ciidanka booliska ayaa ka gaabsaday inay tiro go'an nasiiyaan,sidaas darteedna ay adagtahay tiro sax labada dhinacba inaan cadayno wararka haatana waxay tibaaxayaan oo kaliya inuu dagaalku ahaa dagaal khasaare farabadan kasoogaaray ciidanka booliska iyo kooxda mucaaradka ahba.Wararka ayaa intaas kudaraya in dagaalkan uu ku dhintay abaanduulihii ciidanka booliska oo ay Ilmo adeer ahaayeen hogaanka nabadgalyada. Wararka ayaa intaas kudaraya in nin magaciisa layiraahdo Canjeex uu sidoo kale ka midyahay askarta lalaayay ninkan oo ah nin dadka dhibi jiray oon laga jeclayn deegaanka iyo magaalada Jigjiga.
Hadaba mar aan gaadhay xafiiska nabadgalyada aroortii ayaad aad uga dareemaysay howlgal iyo xiisad dhaqdhaqaaq oo kasocday xafiiska nabadgalyada iyo cadaalada. Xafiiska ayaa waxaa aad looyareeyay galka dadka rayidka ah iyo adeegyada bulshada iyo lakulanka hogaanka. Dadka rayidka ah ayaa albaabka lagasoocelinhayay.Waxaan kudaba jirnaa wararka saxda ah ee tirada dhimashada iyo dhaawac ciidanka booliska iyo kooxda mucaaradka waxaana wixii kasookordha kalasocon doontaan wararkayaga dambe hadii Alle idmo.
Jigjiga
Kilil5 online



IslamOnline














