Natiijadii kasoo baxday Shirkii qiimaynata ee Gobalka Dhagxbuur oo dhamaan lagu kala diray Maamulada Demooyinka.

06/30/09
Format for printing    

Jigjiga (kilil5)---Natiijadii ka soo baxday shirkii qiimaynta ee gobalka Dhagaxbuur ayaa noqotay mid lagu kala diray maamulkii degmooyinka dhagaxbuur,dhagaxmadow,awaare iyo gunagadho. Shirkii dhawaanta loogu hayay kaliya Gobalka Dhagaxbuur ee kasocday hoolka shirarka ee xafiiska haweenka ee magaalada Jigjiga ayaa lagu kala diray dhamaan maamulada degmooyinka Dhagaxbuur, Dhagaxmadaw, Awaare iyo Gunagadho. Shirkan qiimaynta oo socday dhowr casho ayaa sababay isqabqabsi farabadan, iyo farfiiq shaqsiyaad, sidaas awgeedna sababay in lakala diro dhamaan maamuladii degmooyinka korkuxusan marka laga reebo degmada Gaashaamo ayaa laga soo reebay islamarkaasna accounkeeda looga dhigay Jigjiga.

Madaxwaynaha Da'ud Maxamed ayaa waxuu u xilsaaray degma walba 4 Dhalinyara ah inay kusoo dhisaan ama kusooxulaan muddo 9 saacadood gudoomiyeyaal cusub islamarkaasna ay u soodhiseen sidii oola qumanaatay iyaga. Sidaas darteed, dhalinyaradan laxulay ayaa waxay soo xuleen gudoomiyeyaasha kala ah; Degmada Dhagaxbuur waxaa Gudoomiye ay u doorteen Nuur Carab, Dhagaxmadawna Suldaan Maxamuud Budul, Gunagadana Khadar. Madexwaynaha ayaa dardaaran ku siiyay in ayna dadka qaar ku soo darin nin walbana ay shahaadadiisa u eegaan ayay taas noqon wayday mid suura gal ah oo dhalinyarta qudhigoodu ma ayna noqonin kuwa umadaxbanaan fikiradooda ee latashi ayay lasamayn hayeen kuwii lagu qiimeeyay waxwalba oo xun taasina waxaa laga yaabaa in ayna farxad galinin Madexwaynaha oo ay ka go’antahay in uu waxsaxo, waayo marwalbaba wuxuu kaqoomamoon hayay qaabkii looga dhigay Gudoomiyihii hore ee Gobalka Jamaal Budul oo isagu qirtay in uu yaabanaa naftiisu waxa loogu xilan hayay .

Tusaalayaasha uu Madexwaynuhu isticmaalayay ayay kamid ahaayeen Ninka Marduuf jaad ah maamuli kariwaayay ayaan 6 boqol oo kun oo naf ku aaminay war raali ahaada reer dhagaxbuur anaga ayaan khaladka iska leh.hadaba shirkii oo aan dhamaanin soconina ayaan wali la’ansixinin waxyaabihii ay soo malmalooqeen Dhalinyaradu.

Jigjiga
Kilil5 online