Janaraal Samoore iyo Madex w/deegaanka Oromiya Abadhula o Shir ku haya Jigjiga iyo Maamulkii deg/jigjiga oo lakala diray

06/24/09
Format for printing    

Jigjiga (kilil5)...Dhamaan maamulkii degmada jigjiga, Gudoomihii Gobalka jigjiga mudane Mowliid Axmed,iyo Kuxigeenkiisii Mudane Cabdi Dhuub oo ooda loo jebiyay.Maamulka jigjiga oo aad uga duwanaa maamulada degmooyinka kale ee dawlada deegaanka soomaalida ayaa halmar ooda loojabiyay iyaga oo aan loo kala aaba yeelin.

Dhan kakale maalin tii shalay waxaa soo caga dhigatay Garoonka cusub ee magaalada Jigjiga diyaarad gaar u ah Abaan duulaha Ciidamada itoobiya Janaraal samoore Maxamed iyo Madexwaynaha ismaamulka Oromiya Abadhula Gamadha oo ah xubin katirsan Guddida fulinta EPRDF, imaanshaha madaxda ayaa la sheegayaa in ay dabasocotay isjiijiidadka iyo is eedaynta ku saabsan ciddii kadanbaysay Gumaadkii ay hada kahor soo hordhigeen Ra’iisul waasaare Malas Xildhibaanada heer fadaraal ee Soomaalida ah,gaar ahaan Musiibadii kadhacday Tuulada Mulu ee Degmada Qabribayax ee gobalka Jigjiga,taas oo Madexa loo saaray in ay kadanbeeyeen Afhayeen kuxigeenka Baarlamaanka DDS Suldaan C/raxmaan Bade,Cabdi Dhuub iyo dhamaanba Maamulka hada lagala diray ee Degmada Jigjiga iyaguna ay qaylo udirsadeen Xidhibaanadii soo faadh faadhay arinta islamarkaasna ay wafdigu saas ku soo baxeen.

Shirkana waxaa loogu yeedhay dhammaan Saraakiishii ka hawl gali jirtay deegaanka Soomaalida iyaga oo loogu hanjabay in ay cadeeyaan ciddii ku amartay Gumaadka loo gaystay 47da oday ee Rayidka ahaa. Hadaba shirka oo socondoona inta lahubo ilaa iyo barito ayay wafdigu lakulmayaan Culumadii katimid Soomaaliya ee ka socday Ahlu Sunna Wal jamaaca oo dadka qaarka siyaasada lafagura ay sheegayaan in ujeedada imaanshaha Qayb muhiim ah ay katahay imaanshaha Janaraalka, in uu lakulmo Culumada wixii lagu caawin karana halkaas ay ku dhamaystaan maadaamo ay Soomaaliya ku jirto xilli aad xasaasi u ah oo laga yaabo inay Itoobiya saamayn ku yeelato.

Jigjiga
Kilil5 online