shir aan ujeedadiisa la ogayn ayaa maanta ooga furmay degmooyinka G/balka dhagaxbuur magaalada jigjiga.
Jigjiga(kilil5.com) shir degdeg ah ayaa la isugu yeedhay dhamaan degmooyinka Gobalka dhagaxbuur.Shirkan lama filaanka ah ayaa ka bilawday qolka shirarka ee xafiiska haweenka ee jigjiga maanta.Waxay ahayd dhawaanIyada bishan bilawgeedii markii shir qiimayn ah ugu dhamaaday 9ka gobal ee deegaanka, amarna lagu siiyay in ay dhamaan maamuladu aadaan goobahoodii shaqo, ayaa hadana shirkan aan lasheegin ujeedadiisa la isugu yeedhay degmooyinka Gobalka dhagaxbuur.
Taar dagdag ah oo kasocda xafiiska madexwaynaha ayaa soogaadhay dhamaan shanta degmo amarna lagu siinhayo in ay kusoogalaan muddo halmaalin gudaheed magaalo madaxda jigjiga, sidaasna uu shirku saaka kufurmay. Inkasta oo wax ka soobaxay aan wali lahelin balse qaar ka mid ah maamulada degmooyinkaas oo aan waxkawaydiinay inta ayna saaka shirka galin ka hor ayaa sii odorasayay waxaa laga yaabaa madexbadan oo maanta shirka galaysa in ay barito xabsiga kasheekeeyaan waayo Gobalkaas Mucaaradka waa laga sifayn la’yahay waxaan la isku ogaa cid walba in ay iyagu iska sifeeyaan xoogaga mucaaradka ah waa suu hadalka u dhigaye.
Hadaba dadka siyaasada gobolka u dhego nugul ayaa sidoo kale raacin haya maadaama uu gudoomiyihii gobalka la eryay in xulafadiisiina laraacin doono sidii horay dhaqanka siyaasada ahayd ee looga bartay madaxda sare.
Jigjiga,
Kilil5 online



IslamOnline














