Dhanka Ilaahey ma u Cararnaa?

06/22/09
abdurahman Baadiyow - Format for printing    

“ Xataa haddii qalinkii qalalay, ha quusan oo qoraal ha deyn”

Markii xaajadu xumaato oo meel loo ceyrsado la waayo, markii caqligu fadhiisto oo cayshkuna ciriiri galo, markii naftu soo uruurto oo aad indhahaaga hortooda geerida ka aragto, meesha kaliya oo loo cararayaa waa Ilaahey agtiis. Sidaas, ayaa Ilaahey Qu’aankiisa nagu amray, wuxuuna yiri: “Fa firuu Ila laahi, Inni lakum minhu nadiirun mubiin”, taas oo micnaheedu yahay: ucarara dhanka Ilaahey, anigu digniin cad ayaan idinkaga wadaa dhankiisa. Markaan oo kale, Ilaahey ayaa loo noqodaa, asiga kaliya ayaa loo dan-sheegtaa, asiga kaliya ayaa yuwaada inuu sameeyo waxa uu rabo iyo sida uu rabo. Qofka tooba keenka ah waxaa laga rabaa inuu qalbi saafi ah oo ay ku dheehantahay cabsida Ilaahey la yimaado, si dhab ahna Ilaahey dhankiisa ugu cararo, toobad keen run ahna la yimaado. Xaalka koofurta Somaaliya, gaar ahaan waxyaabaha ka socda magaalada Muqdisho, shuruudda tooba-keenka waxaa ka mid ah in hantidii la boobay loo celiyo dadkii lahaa iyo dhigii gardarada loo daadshay mag laga bixiyo oo laga garaabo. Waxaa la iska rabaa in khaladkii hore loo galay, la go’ansado inaan dib loogu noqon. Waxaa tooba keenka ka mid ah in la wada qiro in dalka, diinta iyo dawladnimada ay Somaalidu shirko ku tahay. Waxaa la iska rabaa in musiibada si wada jir ah loo wajaho oo inta dagaalada dhamaan la joojiyo, wada tashi lagu balamo.

Haseyeeshee, magaalada Muqdisho gaar ahaan, waxaa ka muuqata tallo xumo weyn, ma muuqato tooba-keen saafi ah, ma muuqato u damqashada shacbiga dhibaateysan oo dushooda madaaficda lagu garaacayo. Waxaan mareynaa baroor-diiq kasii baroor-diiq iyo tacsi joogto ah. Waxaan ka sheekeyneynaa qaabka loo dilay waxgarad badan. Waxaan mareynaa qixitaan joogto ah oo aan la garaneyn meesha looga sii qixidoono meesha hadda loo qaxay. Waxaan mareynaa inaan shisheeye kaalmo iyo taageero ka doonano si aan dagaalka dhexdeyna ah usii hurino. Faragelinta Al-Qacidda, Itoobiya iyo Eriteria ayaan marmasiyo ka dhiganeynaa. Dagaalka Somaalida u dhexeeya wuxuu soo jiray muddo dheer, maalinba wuxuu soo gaarayay heer, hadana wuxuu joogaa in lagu diriro magaca “Islaamka”. Waxaa la marayaa in Qur’aanka la isku daliishado, diinta la iska saaro, dhiiggana la xalaashado. Dawladda KMG iyo mucaaradkeeda hubeysan awood ciidan oo ay ku dagaalamaan ma laha, hubka, lacagta iyo tababarka waxey kula xiranyihiin xoogag shisheeye oo ayagu dirirsan, dhiiga daadanayana waa kan Somaaliga.

Markii heerkaan murugsan xaaladu gaarto, dad badan waxaa ka soo hara aamusnaan iyo amankaag. Kuwa kalena waa is-madax-maraan, kuwa kalena waxaa waxey diidaan iney aamusaan waxey cabiraan xaaladooda. Dadka qaar ayaa gabya ayaga oo aan hore loogu baran iney suugaanley yihiin. Hadaba, erayada calaacalka ah ee hoos ku qoran, waxaa mireheeda iska leh oo curiyay ruux aan hadda ka hor gabay ama hees aan lagu aqoon. Miraha heestu waxey iftiiminayaan sida ay ufikirayaan aqoonyahaanada bulshada rayidka ah, gaar ahaan kuwii kasoo shaqeynayay waxbarashda, caafimaadka iyo dhamaan adeegyada bulsha ee magaalda Muqdisho intii dagaalada sokeeye socdeen.

Haddii gobannidu oydo Ilmada ay gabax ka siiso,
Haddii geyigaaga oo dhan La geed-falo oo la gooyo,
Haddii gabalkii dhacaaba, Colaad loo gurbaan tumaayo,
Haddii gulfkaas colaadeed, Gardaro geesh loo dhisaayo.
Haddii gunudaad xirtaba, Mid kale kaa goosanaayo;
Haddii geedkii dhashaaba, La gooyo oo la jirid-gubo,
Haddii goobtii waxbarashaba, Gerwayn loola soo gulfaayo,
Haddii ruuxii garadleba, La gawracoo geeri loo diro;
Haddii aad ku gaaf wareegto, Gumaad iyo geeri joogtaa,
Maxaa kula gudboon! Maxaa kula gudboon!

Tixdaas aan soo sheegnay waxey cabireysaa ruux ka shaqeynaya wanaagga dadkiisa, dhismaha dalkiisa oo wax kasta uu dhisaba ay burburin la daba socdaan kooxaha hubeysan oo aan u naxeyn dadka iyo dalka. Su’aalaha ah maxaa nala gudboon waxaa jawaab ka bixinaya tixda miriheedu hoos ku qoranyihiin, taas oo cabireysa xaaladu sida ay u cakirantahay iyo sida uu yahay dareenka dadweynaha.

Ma garan waxa ila gudboon, Ma garan oo garaad ma lihi;
Ma garan godka la iiwadaa; Ma garan goobanimada iyo
Gunnimo waxey kala gayaan Ma garan goobta loo socdaa;
Gargaar gaal keenayaan Mar kasta gacan hoos dhigtaa
Geelii caanihii gursaday Beertii geed sooma dhalin, Inaan go’ay waan gartaa! In gablamaan gartaa;
Geediga aan kala go,ayn, Inaan guuraan gartaa;
Geedigu meeshow igeyn Ma garan oo garaad ma lihi

Markii xaalku sidaas soo gaaray ayaa baroorta inta la isku darsaday oo taladii soo oodantay ayaa inta la isfiirshay, waxaa loo cararay dhanka Ilaahey. Markaas ayaa la wada qaaday heestaan Rabbi tuugga ah:

Gargaar waa Ilaah agtiis
Galadii waa Ilaah agtiis
Gabaad waa Ilaah agtiis
Gacmahaan kor uqaayaa Gargaar weydiisanaa
Ilaahow waa gefnoo
Waddadi waa gees marnee
Ilaahow noo gargaar
Ilaahow maa gefnoo Warkaagaan gees marnee
Ilaahow noo gargaar
Ilaahow waa gefnoo
Garadkaan gees marnee
Ilaahow noo gargaar
Ilaahow waa gefnoo
Gardaro weynaan galnee
Ilaahow noo gargaar
Ilaahow waa gefnoo
Hadana waa sii gefnee
Ilaahow noo gargaar

Markii Ilaahey ummadiisa lunsan u gargaarayo, wuxuu ka dhaliyaa wax garad wanaagga u horseeda, wuxuu siiyaa tawfiiq ay isku raacaan waxyaabaha fiican, ugana soo hosjeestaan waxyaabaha xun. Markii umaadiisa Ilaahey kheyrka la doonayo, wuxuu garaadsiiyaa waddada maamulka, dawladnimada iyo kala dambeynta. Dawladnimo si sax ah loo maamulay oo kaliya ayaa badbaadin kartaa nafta, diinta, maalka, sharafta iyo caqliga. Badbaadinta shataas qodob oo aan soo sheegnay ayaa sal u ah ujeedada dhaqangelinta shareecada Islaamka. Sidoo kale, haddii Ilaahey ummad halaagayo wuxuu madax uga dhigaa kuwooda xun, markaas ay ayey xumaan ku hogaamiyaan. Sidaas ayaa qur’aanka kariimka ah lagu yiri: “Wa-idaa aradnaa an nuhlika qaryatan amarnaa mutrafiihaa, fa fasaquu fiihaa fa-xaqa caleyhal qawlu faddamarnaahaa tadmiiraan”. Micnaheeda guud ahaan waa haddii aan rabno inaan ummad halaagno, waxaan madax uga dhignaa kuwa xun-xun oo kibirsan, markaas ayey fusuq iyo jawro sameeyaan, waxaana ku dhaca amarka ilaahey, markaas ayaan si buuxda u burburinaa.

Ugu dambeystii, aan dhamaan Ilaah u noqono oo dhankiisa u cararno, aan ogaanno in dambiga ugu weyn ee ruux Muslim ah galo, marka laga reebo gaalnimada, ay tahay inuu gardaro ku daadiyo dhiig aadami ah oo Ilaahey karaameeyay iskaba daa dhiigga ruuxa Muslimka ah. Waa inaan ogaanaa in meesha loo socdaa ay tahay meel baas, gobanimada iyo madaxbanaanida Somaaliya ay halis ku jirto.

abdurahman Baadiyow
abdurahmanba@yahoo.com

Opinion articles written by individual contributors do not necessarily represent the opinion of Kilil5.com