Maxaa ka jira Saadaalinta Dhamaadka Aduunka Sanadka 2012.
Minneapolis (kilil5)—Dad badan, khuburo badan oo cilmiga scienceka iyo Dhaqamo badan oo horay u dumay ayaa waxay wadasaadaalin hayaan in dhamaadka aduunku uu ku aadanyahay taariikhda 21da bishi December 2012.Sidoo kale, diinta Islaamka sida ay saadaalisay,astaamaha ay diintu sheegtay ayaa intooda badan la arkay, astaamaha lagu garanayo gadoonka ama dabayaaqadada aduunka ayaa laba calaamad mooyee intoodii kale la arkay. Diinta Islaamka ma’aysan sheegin taariikh go’an balse culumo badan oo qiyaastay ayaa qiyaastooda ku aadan dhamaadka aduunka qarnigan hada aynu kujirno ee bilowday 2000kii. (waa la isixi karaa hadaan khaldanahay).
Hadaba, iyada oo dadbadan,culimada science siiba culimada kutakhasustay cilmiga circa (astronomy),culimo badan oo kasoojeeda diimaha kale sida masiixiga ay wada saadaalinhayaan in lagaaray dhamaadkii aduunka sida aynu hada u naqaano ayaa waxaan damcay bal inaan waxyar kafalanqeeyo dhowr wax oo wada tilmaamaya in dhamaadka aduunku yahay 21/12/2012.
1- kalendarka dhaqanka Mayanka oo ku dhamaanhaya taariikhda 21/12/2012.
Kalendarka dhaqankii ama ilbaxnimadii dadka Mayan ka ahaa ayaa waxuu ku dhamaadaa taariikhda kor ku xusan. Dadkan Mayan ka ahaa oo aad ugu takhasusay cilmiga Astonomiga ayaa waxay sameeyeen calendar aad looga yaabay oo cilmi dheer,macno badan iyo maskax waynba xanbaarsaneeyd.Ilbaxnimadii Mayanka ayaa waxay calendarkooda ku ekeeyeen taariikhdan iyada oo turjumaada dadka dabagala ama baaritaanka ku sameeyay ilbaxnimadooda ay sheegayaan in ilbaxnimada Mayan ku ay saadaalinayso dhamaadka aduunka taariikhdan 21/12/2012 ka.
2- Culimada Science oo sheegaysa in taariikhda 21/12/2012 ay dhacayso waxa looyaqaano “galactic Alignment”.
Culimada Astronomiga ayaa waxay waa hore sheegeen in taariikhdan kor kuxusan ay tahay marka dhamaan dabaqooyinka samawaadka iyo dabaqyada yaryar ee looyaqaano “12 Zodiacal constellations” inay isku aadmi doonaan. Isku aadka wareega “solar system” ka ayaa waxuu dhalin doonaa ayey leeyihiin culimada astronomiga godka mugdiga halkaasna xayawaan,dhir iyo dadba lagu waayi doonaa cadceeda qoraxda. Hadii lawaayo cadceeda qoraxdana waxaa ku xiga ayeey leeyihiin culimadu dhimashada waxa nool dad iyo duunyaba. Culimada ayaa waxay farta kufiiqayaan in sababta ilbaxnimadii Mayan ku ay u saadaaliyeen dhamaadka aduunka ay ahayd iyaga oo saadaaliyay simitaanka dhamaan sistemka solarka iyo galaxiga iyo waxa ka dhalan doona haday midaas dhacdo.
3- Saadaalinta dhamaadka Wakhtiga ama waxa looyaqaano “Time wave zero theory”.
Khuburaa cilmiga xisaabta oo magaciisa layiraahdo Terence McKenna ayaa isaga oo isticmaalaya cilmiga xisaabta ee jajabka ama “fractal mathematics” waxuu saadaaliyay dhamaadka aduunku inuu ku beeganyahay taariikhdu markay tahay 21/12/2012.
4—Dhamaadka Maagnetka iyo Saadaasha Hay’ada NASA ee Maraykanka.
Dhulka ayaa waxuu qabaa waxa looyaqaano poolasha waqooyiga iyo galbeedka (North-South poles) oo dhulku uu ku wareego iyo magneedka dhulka iyo wakhtiga oo isku aadkoodu waafaqsanyahay poolashan. Intii dhawaan ahba waxaa sii naaqusahayay iswaafaqa ama israaca magneedka dhulka iyo magneedka saxda (true magnet) iyada oo culimada saanisku (science)ku ay ugu yeereen “reverse pole or shift in the magnetic orientation of the Earth's poles”. Khuburada cilmiga saaniska ayaa sheegaya in dhulgariir badan, iyo qaraxa folkaano ay ka dhalan hayaan midan. Hay’ada NASA ayaa waxay saadaalinaysaa in sanadka 2012 ka gaar ahaan bisha December ay dhici doonaan dhulgariir aan horay loo arag iyo qaraxa foolkaanada oo kadhici doona meelo farabadan oo dunida ah.NASA ayaa waxay saadaalinaysaa dhulgariirkan iyo qaraxan folkaanada inay ooda ka qaadi doonaan badaha waawayn, khasaaraha ka dhalankarana ay tahay in qaaradaha qaarkood badaha ay ku darsamaan waxa ku noola lawaayo.
Waxaan laqiyaasi Karin saadaashu siday ay noqon iyo in calaamadaha diinta islaamku horay noogu sheegtay oo intooda badan waa hore la arkay hase yeeshee taariikh go’an diintu sheegin, hadana in saadaalahan kor kuxusan isku dhowdhowyihiin iyo inkale.Horay ayay dadbadan u saadaaliyeen dhamaadka aduunka,saadaashooduna ahayd taariikho aynu soo dhaafnay hase yeeshee wali aduunka iyo waxa kunoolna ay wali jiraan.Saadaashan ah in aduunku dhamaanhayo 21/12/2012 wa waxay noqon sida kuwii ka horeeyay mise waxaan soogaarnay xiligaynu galban lahayn?
ALi Yare
Mpls,kilil5



IslamOnline














