Ethiopia: Isbedel wayn oo la filayo in lagu samayn doono maamulka kililka.

06/21/09
Format for printing    

Jigjiga(kilil5)---Wararka naga soo gaadhaya xubno soomaali ah oo ka tirsan sirdoonka qaranka Itoobiya oo ka hawl gala Jigjiga ayaa sheegaya in ay dhamaatay xilligii dadka la iska dhibaateen jiray iyadoon wax sharci ah loo maraynin.Sida uu u sheegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Ato Meles Zenawi xildhibaanada Soomaaliyeed ee heer federal.
Isla arintan darteed ayaa waxaa Jigjiga si hoose u yimid ninka ugu sareeya Sirdoonka qaranka oo xogo badan oo wax ku ool ah ka urursaday magaalada Jigjiga.Waxaa iska cad in isbedel wayn oo siyaasadeed la samayn doono maalmaha soo socda sida uu noo sheegay nin magiciisa ku soo koobay A D Kayd,oo sheegay cid kasta haddii ay eryaan kuma kiis bixi doonaan xilligan xasaasiga ah.

Waxaa xabsiyada ka buuxa dad aan maxkamad lasootaagin, waxaa jeelasha iskaga jira mudo sanado ah dad aan maxkamad lakeenin,waxaa iska xirxiran dad ay marhore maxkamada deegaanka amar kubixisay in lasiidaayo kadib markii wax danbi ah lagu waayay ama cadayn loowaayay.Sidoo kale,xabsiyada deegaanka ayaa waxaa kabuuxa dad madaxda sare ee deegaanku ay iska xidhxidheen iyaga oon danbi galabsan, dadkan laxirxiray ayaa danbi looga dhigay waxaad taageertaan ONLF iyo ururo ajnabi ah iyo eedayn bilaash oon sal iyo raad toona lahayn oo dadka danbiga dadkan ku soo eedeeyay lacag lasoosiiyay oo lasoolaaluushay si ay danbi iyo been abuur ugu sameeyaan dad ama shaqsiyaad larabo in siyaasad ahaan lagaga takhaluso ama lagu curyaamiyo.

Jeelka layiraahdo "jeel Ogaadeen" ayaa waxaa kabuuxa siyaasiyiin,cuqaal,culimo kasoojeeda beesha Ogaadeen oo qaarna deegaanka mas'uuliyiin kasoo ahaan jiray qaarna sharaf iyo wanag loogu yaqiin hase yeeshee danbiga kaliya ay galeen tahay in ay yihiin dad deegaanka magac kulahaa,qaarna u hogaansami waayeen dhaqan xumida madax qaar ku dhaqmayaa iyo siyaasada jahawareersan ee deegaanka kajirta.Dadkan xirxiran ayaa lagu bahdilay waxaad taageertaan ONLF iyo ONLF baad ka midtihiin. Way jirtaa qaar ka mid ah Jabhada balse intooda badan ayaa waxaa lagu xirxiray waxaan sharci ahayn iyo been abuurad shaqsiyaad lacag ama madaxtinimo lagu siiyay inay dadkan been ku makhraati furaan.

Waayadan dambe ayaa waxaa soo kordhaya kahor imaatinka xukunka qalafsan iyo nidaamka sharci kutumashada ah ee caado u noqotay madaxda sarsare ee deegaanka iyaga oo qofka ay rabaana xukunka ka qaata oo danbi waxay rabaan uga dhiga qofkay rabaana xabsiga utaxaaba iyada oon maxkamad lasoosaarin.Lakulankii ra'iisal wasaaraha kasokoob,waayadan dambe waxaa sookordhaya aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta kasoojeeda deegaanka oon ka cabsanin inay ka hadlaan ama wax kasheegaan siyaasada xun ee deegaanka kajirta ama sharci kutumashada madaxda qaar ay sameynayaan.Waxaad moodaa in dawlada dhexe ay gaadhay meel aysan iska indhotiri karin dhibaatooyinka iyo xukun xumida madaxda Soomalidu kulakacayaan shacabka iyo deegaanka ay madaxda kayihiin.

Madaxwaynaha deegaanka Mudane Da'ud maxamed ayaa inkasta oo isbedelo fiican uu kasameeyay deegaanka sida ladagaalanka musuqmaasuqa oo runtii hoos u dhacay inta uu madaxwaynanimada haystay iyo u adeegista bulshada oo uu kor uqaaday,ayaa hadana waxuu kakow iyo ka aabo yahay sharciga lagutuman hayo iyo danbi u'samayn qof ale qofkii larabo.Sidoo kale, waxaa la oran karaa,madaxwayne Da'ud maxamed waxuu ka midyahay madaxda maanta jirta raga ugu cadcad ee looxanbaarinkaro jahawareerka siyaasadeed iyo dhaqan xumida kajirta deegaanka ee kusalaysay cabsi galin,jaajuus samaynta,madaxtinimo jacayl,xoolo bilaash raadis,iyo saaxiibtimaysi-dhaqankan oo ka dhigay deegaanka Soomaliyeed meel qofqof aamini karin,madaxdoo kala cabsata,dhaqanka jaajuuska oo noqday shaqada loogu jecelyahay,meel lacag bilaash ah iyo madaxtinimo aan aqoonteeda lalahayn lagu cuno ama lagu helo isjaajuusid,iyo meel qofku uusan si daacad ah ugu shaqayn karin deegaanka iyo dadkiisa.

Hadaba,waxaa wax lasoo dhaweeya isbedelkasta oo keeni kara siyaasada fiican ee lagaga bixi karo siyaasadan deegaanka Soomaliyeed een sal iyo tiirtoona ku taagnayn.Shabakadan kilil5 oo dadaal wayn ugu jirta hirgalinta siyaasad toosan,kaladanbayn,u hogaansiga sharciga deegaanka iyo wadanka,ayaan waxaan ku dhiiri galinaynaa dhamaan dadka jecel nidaamka wanaagsan iyo horumarka wadanka iyo deegaanka inay codkooda kor uqaadaan,qofwalibana uusan cidkale kuhalaynin in laga wadashaqeeyo sidii deegaanka Soomaliyeed cagta u dhigi lahaa,si horumar dadka iyo deegaankuba ugu talaabsadaan.

Jigjiga
Kilil5 online