Mashruuca Horumarinta Waxbarashada Qorraxey (QEF) oo yeeshay hoggaan cusub

06/17/09
Format for printing    

Mashruuca taariikhiga ah ee Horumarinta Waxbarashada Qorraxey (QEF) ayaa qaaday talaabo kale oo taariikhi ah asagoo yeeshay Hoggaan cusub, kaasoo noqonaya Hoggaankii 3aad ee caynaanka u qabta Qorahey Education Foundation (QEF).

Mashruuca Horumarinta Waxbarashada Qorraxey oo ah mashruucii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah ee ka dhaqan gala Deegaanka Soomaalida ayaa ka sokow horumarka la taaban karo iyo guulaha uu dhaxalsiiyay da’yarta soo koraysa wuxuu muraayad u noqday mashaariicda kale ee laga yagleelay Deegaanka.

QEF oo ku dhisan tabarucaadka iyo mutadawacnimadda Qurbe joogta ka soo jeedda Gobolka Qorexey ayaa sidoo kale hoggaankeedu u dhismaa qaab qori isu dhiib ah ayadoo maamulba uu ku simo maamul kale oo hawsha halkii ka sii wada ilaa iyo inta laga gaarayo heer ay jiilka soo koraya hanan karaan hawadinta Mashruuca.

Aasaaskii QEF oo laga joogo ku dhawaad 6 sanno ayaa hogaankan cusubi wuxuu noqonayaa kii 3aad ee caynaanka u qabta Marshuuca. Bahda Horusocod iyo guud ahaanba taageerayaasha mashruuca QEF waxay mahad, amaan iyo bogaadin u dirayaan Hoggaamadii hore ee Mashruuca heerkan soo gaadhsiiyay, waxayna Eebe uga baryayaan Hoggaanka cusub inuu u dhibyareeyo xilka culus ee dushooda fuulay.

MAGACYADA MAAMULKA CUSUB:

1. Engineer Cabdullahi Ibraahim Caydiid (Bucul)………Guddoomiye

2. Rashiid Colaad………………….Guddoomiye Ku-xigeen

3. Deeq Cabdiraage (Shiino)…..Xoghayn

4. Cabdifaysal Maxamed Gaani……..Lacag-Haye

5. Axmed Sheekh Cabdiraxmaan (Shiino)…..Wakiilka Gudaha

6. Mawliid Muxumed Teyse…..Xidhiidhiyaha Faracyada

7. Hana Xaaji Maxamed X. Warfaa….U qaabilsanada Arrimaha Dumarka/Xoghayn II

Midhihii ka dhashay waxqabadkii QEF oo San Diego laga arkay!!!

Daawada Sawiradii xaflada qalin jebinta!!!

Bahda Kilil5 waad salaaman tihiin.

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 15kii Juunyo, 2009 ayaa waxaan ka qeyb galay xaflada qalin jebinta ee 2009, taas oo ka dhacday qol weyn oo ku yaal badhtamaha magaalada San Diego, California.

Ardey ardeydii Qabridahare ka mid ah oo wax ku bartay kuraastii aan u gadnay ayaa ahaa midka af Soomaaliga khudbada soo dhaweynta ah ku jeedinayey. Muddo laba sanno ah oo keliya ayuu dugsiyada San Diego ku sugnaa, wuxuuna ku gudbay Imtixaanadii California High School Exit Exam (CAHSEE) iyo Credits kale ee loo baahnaaba. Waa arrin lagu farxo.

Magaciisa waxaa la yidhaahdaa Zakariya Axmed Maxamuud, wuxuu ka qalin jebiyey Dugsiga Sare ee Community Health and Medical Practices (CHAMP'S) 2009.

Lifaaqan fura si aad u aragtaan.

Sidaas iyo xidhiidh wacan,

Axmed Haybe