Ethiopia: 6 Gaadhi oo ah kuwii samayn hayay wadada laamida ee Dhagaxbur iyo Qoraxay Oo ONLF Dab Qabadsiisay

06/16/09
Format for printing    

Jigjga (kilil5)--Dhibaatadii labaad ee kutimaad shirkadii dhi saysay wadada wayn ee laamida ah ee udhaxaysa Dhagaxbuur iyo Qoraxay.Hadda kahor ayaa lagu khaarajiyay Engineerkii ugu sareeyay ee dhisayay wadada udhaxaysa Qoraxay iyo Goday.Habeen horay saacadu markay ahayd 12.30 ayay tuulada Sasabane ee degmada dhagaxbuur, lagu gubay 6 Gaadhi oo ah cagacagaf yadii wadada iyo iskarogooyinkii carada qaadayay.

Dhibaatadan intaas le'eg ayaa waxaa ka dambaysay ONLF iyada ooy u muuqato in ONLF ay dib u soo cusboonaysiisay xasuuqii aqoonyahanka jidadka dhisa iyo kaladagaanalka deegaanka dhinaca horumarka.Laba asbuuc kahor ayay ahayd markay ONLF ku dishay Enineerkii dhisayay wadadan bilaa sabab la'aan ujeeda ONLF ay ahayd inay joojiso dhamaystir wadadan muhiimka u ah horumarka gobolada hoose ee deegaanka Soomalida iyo isku dhoofka degdega ee shacabka Soomaliyeed.Kooxdan ayaad moodaa inaysan kala garanaynin horumarka deegaanka,u adeegista baahida shacabka iyo siyaasada jahawareersan ee kooxdan ay u qaylinayso. waxaa caqliga diidaya in koox gurigayga gubaysa ay hadana doonayso inaan taageero ama qaato siyaasada hoos la'aanta ee kooxdan huwantahay.

Yay dan u tahay samaynta waddo laami ah oo manta la isaga goosho Jigjiga iyo Godey waxaan ka badnayn saacado, waxaa si daacadnima ah ooga jawaabi kara Bulshada reer dhagaxbuur oo saacad alla saacaday doonaan helaya mini Bus yar oo halsaac siiwada iyo horumarka ay waddo laami ahi wadato Sida internet, mobile IWM. Dhiskii wadada ayaa maanta sidaas ku istaagay haday ku farxayso Shuftadan,su'aashu waxay tahay, yay matashaa ONLF? Yay u shaqaysaa ONLF? maxayse tahay ujeedada Jabhadan marka ay dab qabadsiinayso baabuurta jidadka shacabka u dhisaysa iyo marka ay layneyso aqoonyahanka iyo engineerada wadada dhisaya.Dadka sida indhola'aanta ah u taageeraya Jabhadan siinayana lacagta ay ku dhaqdhaqaaqayso waxaysan ka maarmaynin inay laqaybsanayaan danbiyada ay kooxdan ka galayso shacabka iyo deegaanka,mas'uulna kayihiin falalka foosha xun iyo danbiyada lagagalayo shacabka iyo deegaanka Soomaliyeed.

Waxaan marnaba la ogolaan karin hawlaha budcadnimada ee Jabhada ONLF ay kula kacday shirkada jidka dhisaysay waxaana loobaahanyahay in shacabka deegaanka iyo kuwa qurbaha degan ee taageeraya jabhadan u guntahay inay ladagaalanto horumarka deegaanka Soomaliyeed iyo horistaaga wax uqabadka shacabka inay canbaareeyaan kooxda falalka samaysay iyo kuwa madaxda u ah kooxdan mucaaradka ah.Waxaa xanaaq wayn ka muuqday dhamaan bulshada degen magaalada dhagaxbuur waxaana hubaal ah in falalka noocan oo kale ee kooxdan mucaaradku horayn ugu caanbaxday hadana dib u qaaday wadadeeda, inay isku duubayso oo kaliya shacabka Soomaliyeed iyo dardarna galinayso siday isku meel uga soo joogsan lahaayeen kooxdan cunaqabataysay horumarkii deegaanka hadana sheeganaysa inay u dagaalamayso xuquuqda shacabka iyo deegaanka.

Dhanka kale, shirkii bilaha ahaa ee hay’adaha iyo Xafiisyada Dawlada Qaymta biyaha ayay maalintii shalay kusooban dhigtay Hay’ada OXFOM(GB) in uu shuban biyood kadilaacay tuu looyinka Afdam iyo Maisa ee Gobalka SHiniile kuna dhin teen 41 qof oo ubadan caruur in kabadan 500 oo qofna uu xanuunku hayo,islamarkiibana laisku raacay tabihii loogu gurman la haa.

Jigjiga
kilil5 online