Garabka Saalaxdiin ee Jabhada ONLF Oo Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanku Diiday Inay Lakulanto

06/13/09
Format for printing    

Minneapolis(kilil5)--Wasaarada arimaha dibada ee dawlada Maraykanka (state department) ayaa diiday inay lakulanto wafdi kasocday garabka Saalaxdiin Cabdirahman.Wafdigan oo magaalada Washington joogay asbuucii lasoodhaafay ayaa waxay isku dayeen inay lakulman saraakiil sarsare oo katirsan laanta Africa u qaabilsan wasaarada arimaha dibada ee wadanka maraykanka.Shabakada kilil5 ayaa waxay laxiriirtay xafiiska uqaabilsan warbaahinta wasaarada arimaha dibada halkaas oo shabakadu kacodsatay xafiiska warbaahinta gaar ahaan xafiiska saxaafada (press information) in wafdi kasocda jabhada ONLF ay lakulmeen saraakiil ama madax katirsan wasaarada arimaha dibada.Xafiiskan ayaa waxuu shabakada kilil5 u sheegay inaysan jirin habayaraatee kulan garabkan Salaaxudiin oo iyagu shaaciyay inay madaxsare oo dawlada maraykanka lakulmeen.Sidoo kale, waxaan laxiriiray garabka Salaaxudiin halkaas ooy u sheegeen inay lakulmeen sargaal sare oo horay Ethiopia safiir uga ahaanjiray,sargaalkan oo magaciisa layiraahdo Shinn. Sargaalkan horay wadanka safiir uga ahaan jiray ayaan katirsaneen wasaarada arimaha dibada ee wadanka Maraykanka.

Jabhada ONLF oo labagarab ukala jabtay ayaa garabka Salaaxudiin waxay dadaal wayn ugu jiraan siday isku suuq galin lahaayeen dhinaca shacabka kasoojeeda deegaanka Somalida iyo wadamada reergalbeedkaba.Tagista magaalada Washington ayaa waxay dabasocotay shirar isdaba joog ah ooy ku qabteen magaalada Minneapolis iyo Sandiego ee gobolada Minnesota iyo California.Kala baxa iyo kala jabka labada garab ee admiralka iyo Salaaxudiin ayaa waxay sii wiiqeen jabhada oo markii horeba shacabka taageeri jiray ee qurbaha in badan ay kala laabteen kalsoonidoodii iyo taageeradoodii kadib markay madaxda sare ee Jabhada ay kabixi waayeen isqabqabsi xukun raadis iyo musuqmaasuq miisaaniyadii Jabhada sida ay mas'uuliyiin sare oo Jabhada ay iisheegeen.Sidoo kale,Labada garab ee iskasoohorjeeda ayaa waxay wiiqday howlgalkii jabhada ay deegaanka Soomalida kasameeyn jirtay halkaas oo ismaamulka Soomalidu ay ka faaiidaysteen isjaajuusida labada garab dhinacba dhinaca kale uu warbixin siinayo dawlada Soomalida.Isjaajuusida labada garab ayaa waxay keentay in dawlada Soomalidu ay dharbaaxo xun gaarsiiso malaysiyaadka labada garab u jooga deegaanka.Kalaqaybsanaanta labada garab ayaa sidoo kale waxay keentay in taageerista labada garab ay iskugu shubatay nimanka madaxda ah ninba jilibka uu kasoojeeda oo ay noqotay ninba ninkiis.

Xukuumada madaxwayne Da'ud ayaa waxay u muuqataa inay ugu dambayntii fahamtay wadadii lagu burburin lahaa Jabhada ONLF.Xukuumada ayaa waxay sameeysay ciidan boolis oo tababarkiisu iskugu jiro boolis iyo militari.Ciidankan oo wali aan ladhamaystirin oo hada gaaraya ilaa kun arkari (1000 askari) ayaa dawlada Ethiopia iyo xukuumada madaxwayne Da'ud maxamed sida ay noosheegeen ku wadaan in tiradooda lagaarsiiyo ilaa sadex kun askari (3000 askari). Dawlada dhexe ayaa sidoo kale waxay kutala jirtaa in ciidan lasiiyo qalab iyo isgaarsiin casri ah ooy ku hawlgalaan. Qorshuhu waxaa weeye marka ciidankan ladhamaystiro dhinaca tirada,tababarka iyo qalabayntiisa, in ay soo afjari doonaan dhaqdhaqaaqa Jabhada ONLF oo hada dawlada Ethiopia ay kutilmaanto sida "qodah ku muday oo kaliya".

Ali Yare
Minneapolis Kilil5