Ethiopia: Engineerkii dhisayay wadada Qabridahar-Godey u dhexeysa oo la dilay iyo dagaalo weli kasocda Mulli.

06/04/09
Format for printing    

Jigjiga (kilil5--Waxaa asbuucii 2aad galay dagaalada goos goos ah oo u dhexeeya ciidamada militariga Itoobiya oo kaashanaya booliska deegaanka Soomaalida iyo kooxda mucaaradka.Kooxda mucaaradka ayaa waxay maalmahan soo karaar celisay dagaaladii ku dhufo oo ka carar ahaa ee dhowr sano kahor kooxdan samayn jirtay.

Waxaa soo baxaysa in koox gurmad ah oo uu horkacayay taliyaha ciidanka booliska DDS korneel Yuusuf Jallaale ay dhexda isku heleen koox ONLF ah halkaas oo uu khasaare ba’an ka gaadhay labada dhinacba,korneel Yuusuf ayaa illaa hadda la ogayn meesha uu ku dambeeyay. Wararka aan ka helayno saraakiisha booliska ayaa sheegaya in dhimashada boolisku uu gaarayo 20 askari meesha waxyeelada kooxda mucaaradka ay intaas ka badantahay inkasta ooysan afka ku dhufanin tirada jabhada laga dilay.Jabhada mucaaradka ayaa laba habeen kahor dagaal dhimasho iyo dhaawacba gaystay kula kacday dad shacab ah magaalada Baabili halkaas oo booliska deegaanku gurmad uu kaga dabatekay dhaawac wayn u gaystay kooxda mucaaradka.

Dhanka kale,Enjineerkii dhisayay wadada isku xidha Qabridahar iyo Godey ayaa isna la dilay maalintii dorraad ahayd,cid illaa iyo hadda sheegatayna ma jirto laakiin waxaa lugu eedeeynayaa ONLF in ay ka dambayso.Shacabka deegaanka ayaa aad uga xumaaday talaabadaas ay qaadeen qolyaha dilka gaystay.Waxaa isasootaraya dhaqdhaqaaqa kooxda mucaaradku ay ka wado degmooyin cusub oon horay looga baranin ama kooxda mucaaradku aysan ka hawlgali jirin.Sidoo kale,kooxda mucaaradka ayaa waxay soo celisay dhaqdhaqaaqeedii ku dhufo oo ka carar ahaa saadaashuna tahay inaysan jabhadu rabin dagaal fool ka fool ah ooy lagasho ciidanka sida khaaska u tababaran oo dhaawac wayn u gaystay jabhada ilaa intii lasameeyay ciidankan booliska (special police ama liyuu police).

Jabhada ONLF oo loo malaynayay in booliska cusub uu ka gacan sareedaaday ayaa hadana u muuqata inay wali awood dhaqdhaqaaq leedahay meesha ay rabto deegaankana dhaqdhaqaaqa ka samaysa.Waxaa hubaal ah in dhaqdhaqaaqan cusub ee Jabhada ay dhaawac wayn kutahay sheegashada madaxwayne Da'ud iyo hogaanka nabadgalyada Abdi Iley oo ku dhawaaqay in ay soo afjareen dhaqdhaqaaqii Jabhada ONLF.

Jigjiga
Kilil5 online