Arday Kasoo qalinjabiyay Kuliyada Beeraha Goday Oo lagu Toogtay Qabridahare

06/02/09
Format for printing    

Jigjiga (kilil5)-- Mahad Maxamad Dariiq oo ahaa arday hadda kasoo qalin jabiyay Kuliyadda Beeraha ee Magaalada Goday oo aan wali aan manaafacaad sanin cilmigii uu soobartay ayaa si oolakac ah loogu toogtay badhtamaha magaalda Qabridahare.Sida aan baaris ku helay,marxuumka oo iska socday suuqa magaalada ayuu nin ka mid ah askarta liyuu booliska uu kuyidhi maxaad sidaas ugu xaragoon haysaa oo aad ismooday intuusan wiilku ujawaabin ayuu askarigu hadalkii sii watay kuna yidhi istaag hadii kale shan ayaan kugu dhufan wiilkuna kujawaabay ma adiga ayaa igu dhufan kara sidaasna qudha oogaga jaray ardayga. Markay taariikhdu ahayd 22 bisha May ayaa lagu aasay marxuumka qubuuraha magaalada kadib markay ogolaadeen in la aaso.

Musiibadan oo run ahaantii umuuqata mid lagu kicin karo bulshada oo ay waxbadana kadigeen ciidanka dawlada dhexe meelo badana ay isku afdhaafeen labada ciidan ayaa noqotay mid aan illaa hadda xal lahayn oo ay ka dhacday mid lamid ah magaalada Sagag ee Gobalka Fiiqeed isla bishaas Gabadh curyaan ah oo lagu riixo kaaryoone ayay Ciidanka Liyuu boolisku intay waldaafiyeen kusoo gawraceen meel aan kafogayn magaalada unadiideen in la’aaso oo sidii uu Dhurwaa kucunay.Sidoo Kale, May 25 teedii ayaa 3 wiil oo kusoo socda islama gaaladaas ayay ciidankan boolisku sida baaris aan ku helay silig luqunta kaga wada xidheen sidaasna ay kunafwaayeen.

Hadaba shilalkan noocan ah ee ay gaystaan liyuu boolisku ayaan iyagu xadlahayn unamuuqanin in ayna kawaantoobaynin oo Guryo iyo Bootooyin ayaaba shilimaad loogu siiyay maalintii munaasabada 20 Gimbood oo banaan dayuuradkii hore ee magaalada Jigjia ayaa looqaybiyay.Ciidan cusub oo dawr wayn ka ciyaaray amaanka deegaanka ayaa hadana waxaa isasootaraya dhibka ay ku hayaan shacabka iyo dilalka sabab la'aanta ah.Falalkan dilka ah ayaad moodaa inay tahay ciidanka booliska taliskiisa sare uusan sidii larabay loosameeynin oo waxaa muuqata in dhisibiliinkoodu aad u hooseeyo waxay rabaana ay ka sameeyaan shacabkooda larabay in ilaaliyaan nabadgalyadiisa.Shacabka ayaa aad ugu riyaaqay ciidankan cusub oo Soomali ah.Isfahanka shacabka iyo Ciidankan sida khaaska ah u tababaran ayaa kasareeya xiriirkii u dhaxeyn jiray shacabka iyo ciidanka qaranka oo isfahan la'aan ay ka dhalan jirtay dhinaca luuqada iyo dhaqankaba.

Waxaan shaki kujirin in hadii aan lasoo afjarin falalkan xunxun ee ciidanka deegaanku kukacayaan sida ugu dhaqsaha badan ama aan talaabo laga qaadan shaqsiyaadka falalkan gaysan haya ay shacabka deegaanka iyo booliskan cusub ay isku dhici doonaan mudo dhow shacabkuna kala noqon doono kalsoonida hada loo hayo booliska cusub.

Jigjiga
Kilil5 online

Waa cajiib

#19296 On Tue, 2009 06 02 19:54 Anonymous (not verified) said,

Walaalayaal waa arin aad iyo aad murugo u leh..in dadkeena sida xoolaha la isaga laayo iyaga oo aanan waxba galabsanin....walaalayaal bal arintan fiiriya...cajiibka ah.....waxaas iyo wax lamid ah ayaa day and night ka dhaca gobolkan....shacabkana wax uu sameeyo magaranayo..wa mar ay amxaaro gawracayso.oo ay gabdhaha kufsadaan.mar u boolis ku sheeg dhar loo xidhay dadka isaga dilayo maxaad u xaragoonaysaa? iyo mar ay onlf xabbad ku dhafato oo ay tiraahdo ciidankaanu ku wadnay....iyo mar uu kilil ku sheegu...dadka iska xidhxidho bilaa maxkamad...waa arin aad cajaa ib u ah..tolow dadkaygoow goormaad dhibaatadan ka bixi doontaa....???