Baaq ka soo baxay shir ay yeesheen aqoonyahanka Fiqi Cumar
5-25-09
Press Release.
Ku:- Xafiiska Maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida Jigjiga
Ku:- Dhammaan Cullumo-u-diinka, Odoyaasha,
Waxgaradka, Dumarka & Dhammaan Qaybaha kale
ee Beesha Fiqi Cumar
Ku: Dhammaan Beelaha Dariska La Ah Beesha Fiqi Cumar
Ku: Dhammaan Beelaha Deegaaanka Soomaalida
UJEEDDO: BAAQA AQOONYAHANKA BEESHA FIQI CUMAR.
Waxaan ognahay in bulsho weynta FIQI CUMAR ay ku jirtay kuna jirto laga soo
billaabo horaantii qarnigii aan soo dhaafnay ee 20aad illaa maanta dagaalo,
bur-bur baro-kac, haybsooc iyo guud ahaan duudsi xuquuqdooda aadanimo ee ah mid
guud iyo mid shaqsiyadeedba. Aan oran karnana bulshadani mayna helin xaqooda ku
noolaansho nabadgelyo, xasilooni iyo haba yaraatee aasaaska adeegyada nolosha
ee goob nabadgelyo, cunno/ biyo, waxbarasho iyo caafimaad.
Haddaba, iyada oo aan xasuusanahay dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay, ayaa
waxaa nasiibdaro ah in muddadii uu jiray Is-maamulka Soomaalidu, xukuumadihii
soo maray deegaanku haba yaraatee wax waxtar/waxqabad ah ama damqasho ahba
aanay muujin. Isla markaasna aan oran karno waxay ka gaabiyeen mas’uuliyadii
kaga aadanayd wax ka qabashada dhibaatada ku habsatay bulshadan muwaadiniinta
ah. Waxa xusid mudan in xukuumadihii hore mid ka mid ahi ay waxqabadkeedii ku
soo koobtay booqasho hal mar ay mas’uuliyiintii waqtigaas jiray ay ku tageen
magaalada Raaso, wixii intaas ka dambeeyayna indho ka laabasho qayaxan.
Haddaba, waxa xusid iyo mahadnaq mudan xukuumada maanta ee Dawlada Deegaanka
Soomaalida oo muujisay woxogay dhaqdhaqaaq ah. Dawladan ayaa dhawaanta
qabanqaabisay shir la rabay in lagu qabto magaalada Raaso.
Waxa wax laga xummaado ah in shirkaasi aanu qabsoomin. Sidaas darteed, ANNAGA
OO AH AQOONYAHANKA BEESHA FIQI CUMAR, AYAA WAXAAN SOO JEEDINAYNAA BAAQAN HOOS
KU XUSAN:
1. Waxaan ka xunnahay shirkaas qabsoomi waayay.
2. Waxa raaligelin mudan waftigii u hoggaaminayay madaxweynaha Dawlada
Deegaanka Soomaalida, Mudane Daa’uud oo dhawaanta tegay magaalada Raaso,
kuwaas oo la kulmay wax aan lagu farxin. Inkasta oo shacabku yihiin kuwoodii.
3. Waxaan Xukuumada Deegaanka Soomaalida ugu baaqaynaa in ay door libaax
ka qaadato wax ka qabashada iyo xal u helida dhibaatada ay ku suganyihiin
bulshada Fiqi Cumar. Isla markaasna aanay ka caajisin dawladu xal u helida
dhibaatadan, kana gaabinin mas’uuliyada ka saaran wax kasta oo ka hor
yimaadaba.
4. Waxaan ugu baaqaynaa kana codsanaynaa Xukuumada Deegaanka Soomaalida,
in ay cafiso, soona dayso dhammaanba dadka beesha FIQI CUMAR ee dhawaanta la
soo xidhay (xabsiga loo taxaabay), kuwaas oo ka kooban cullumo-u-diin, odoyaal,
suldaan iyo dumar. Waxaan u aragnaa in xadhigoodu aanu soo kordhinaynin wax xal
ama horumar ah waqtigan.
5. Waxaan ugu baaqaynaa cullumada, odoyaasha, waxgaradka,aqoonyahanka,
dumarka iyo dhammaan qaybaha kele ee beesha FIQI CUMAR in ay dhowraan, daacadna
ka noqdaan danta, wax ka qabadka iyo xalinta dhibaatada ay ku jiraan beeshan
tabaalaysani.
6. Waxaan ugu baaqaynaa kuna boggaadinaynaa beesha Fiqi Cumar, dhammaanba
beelaha la dariska ah iyo kuwa deegaankaba in ay dhowraan kana shaqeeyaan
NABADGELYADA, horumarka, wada-noolaanshaha, deris-wanaaga iyo
is-xaq-dhowrida ummada.
7. Waxaan ugu baaqaynaa qof kasta oo ka mid ah beesha Fiqi Cumar in uu ka
fogaado kana dhowrsado wax kasta oo carqalad ku ah nababgelyada,horumarka iyo
haybada beesha. Sida:- ku-tiri-kuteenta, war xumo tashiilka, af-lagaadada,
hanjabaada, handadaada iyo gacan ka hadalka.
XUBNO KA MID AH AQOONYAHANKA BEESHA FIQI CUMAR
1. Cabdiqaadir
2. Mooge Cabdi
3. Badri Macalin Maxamad
4. Cadnaan Maxamuud
5. Xabiib Macalin
6.Maxamad Bashiir
7. Maxamad Faarax
8. Xasan Cabdi
9. C/raxmaam Sh. Maxamad
10. Khadar Rufaaci
11. Cabdisamiic Sh/ Muxumad
12. C/rashiid Sh/Maxamad
13. C/rashiid Sh/Cumar
14. Cabdullaahi Sh. Maxamad
15. Jaamca Sh/ Muxumad



IslamOnline














