Ethiopia: Meles Zenaawi oo la kulmay xildhibanada Soomaalida ah ee Federaalka,una ballan qaaday in uu wax hagaajin doono.

05/25/09
Format for printing    

Jigjiga (Kilil5.com)...Xildhibaanada Soomaalida ee Heer Federaal ayaa ku guulaystay in ay lakulmaan Ra'iisal Wasaaraha Dawlada Federaalka Itoobiya Mudane Meles Zenaawi maalintii shalay.Xildhibaanada ayaa uga waramay raiisal wasaaraha xaalada uu maanta ku sugan yahay deeganka Soomalidu.Wax yaabaha ay kala hadleen ayaa waxay ahaayeen 28 qodob oo qoraalna lugu siiyay :

1.Dhibaatada ay maamulka kililku ku hayaan aqoonyahanka iyo waxgaradka deegaanka

2.Sida loogu tuntay sarrayntii sharciga iyo cadaalada.

3.Akoontiyada degmooyinka oo intii ladoonaba la iska xidho.

4.Xadhig iyo xukun loo gaysto waxgaradka deegaanka.

5.Xasuuq lugu sameeyo dad aan waxba galabsan.

Qodobadaas iyo kuwo kale oo badan ayay Xildhibanadu aad ugu faahfahiyeen Mudane Meles,oo isaguna sheegay in uusan amrin shuqulna ku lahayn in shacabka sidaas loo ciqaabo wuxuuna ku dhaartay in ciddii shacabka dembi ka gasha ay ka shalayn doonto,si degdeg ahna arintaas baadhitaan loogu samayn doono.Shirkan ayaa wuxuu daba socday shirar wada tashi ahaa oo xukuumada Federaalku ay kala xajoonaysay baarlamanka qaranka arintii Itoobiya lugu eedeeyay ee xuquuqul insaanka oo aad isu soo taraysa iyo Meles oo doonaya in uu baaris ku sameeyo eedii hay'ada xuquuqda aadamiga u dooda ee HRW.Sidaa darteed Meles wuxuu ku qasban yahay in uu dad ku miiso eedahaas.

Waxaa maalmahan soo baxaya Liista dheer oo ah dadka ay maxkamadu doonayso, waa maxkamada Hague.waxaana ku jira qaar Soomaali ah.Madaxwayne Daa'uud oo maqlay shirkaas ayaa Addis Ababa u tagay si uu isu soo furfuro laakiin waxaa lasheegayaa in la diiday in la qaabilo.Waxaa so badan haya dadka siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka deegaanka ismaamulka Soomalida oo kasoohorjeedsan haya dhaqanka sharci kutumashada ah ee deegaanka Soomalida kajira.Madaxwaynaha Da'ud maxamed ayaa waxuu noqday shaqsi ka sareeya sharciga iyo dastuurka deegaanka iyo wadanka isaga oo qofkuu damcana shaqada ka erya, qofkuu rabana dambi ku soo ooga oo xabsiga dhiga.Maxkamadaha ismaamulka iyo kuwa dawlada dhexe ee deegaanka kajira ayaa waxay noqdeen kuwo u adeega kaliya waxa uu madaxwaynuhu rabo oo maleh madaxbanaani ay ku fuliyaan sharciga iyo dastuurka wadanka iyo cadaalada.

Jigjiga
Kili5 Online