Xafiiska jidadka miyiga iyo magaalooyinka oo horumar fiican wada iyo imtixaankii 10 naadka oo maanta soo gaadhay x/w/b/
Jigjiga (kilil5)--Xafiiska Jidadka Miyigga iyo magaalooyinka oo hadda kahor magaciisu ahaa xafiiska (jidadka miyiga), ayaa noqday xafiiska oogu horeeya ooguna muuqda horumarka ku aadan wadooyinka miyi iyo magaalaba.Horaantii bishii lasoo dhaafay ayaa go'aan kabinayt ah lagu go'aamiyay in lagu wareejiyo dhamaan gaadiidka waa wayn Sida Cagacagafyada noocyaheeda kala duwan ee xafiiska Dawlada hoose ee magaalada jigjiga xafiiska Jidadka DDS, sidaasna loogu wareejiyay.
Hadaba xafiiska jidadka oo aan ahaan jirin xafiis waxqabta ayaa maalmahan ka muuqda dhamaan xafiisyada DDS intooda badan dadka dareenka fiicana aad indhaha oogu hayaan kadib markii la arkay sida ay ooga go'antahay in ay ku horumariyaan Deegaanka xaga wadooyinka lacagaha looqoondee yay iyo tan ay kahelaanba Global Found. Maraan lakulanay madaxa xafiiska Engneer Cabrisaaq ayuu ku nuux nuux saday sida ay ooga go'antahay inta uu joogo in uu u shaqeeyo umaddiisa oogana tago waxqabad lataabankaro waa suu hadalka u dhigaye Engneerka oo hadalkii siiwatay ayaa yidhi iyada oo ay jiraan wax yaabo lataaban karo oo aan qabanay mudadii yaray ee aan joognay oo aan iskuna amaanaynin ayaa hadana qorshe nootahay in aan sii labajibaarno haduu eebe idmo.
Dhankakale, xafiiska waxbarashada ee DDS ayuu maanta soo gaadhay imtixaankii Nationalka ahaa ee ardayda fasalada 10 naad oo kabilaabmi doona dhamaan Ethiopia asbuuca fooda inagu soo haya iyo Fiiq oon waligeed lagaynin imtixaanka 10 naadada oo maanta ku guulaysatay in lageeyo fiiq amaanka gobolka oo hada kor u kacay. Ardayda Fiiq ayaa shantii sano ee lasoodhaafay imtixaanka tobnaad ku qaadan jirtay magaalo madaxda Jigjiga amaanka oo xumaa owgeed.
Waxaa wax lagu farxo ah in amaanka gobolku uu hada aad u fiicanyahay xukuumada oo ku guulaysatay inay yareeyso dhaqdhaqaaqyadii kooxda mucaaradka ay kasameenjirtay fiiq owgeed. Dadaalka madaxwaynaha ee ku aaday kor u qaadista tayada shaqaalaha iyo dhamaan xafiisyada deegaanka ayaad moodaa inuu si tartiib ah miro dhal sameenhayo. Waxaa hoos u dhacay musuqmaasuqii aan laqarsan jirin, waxaa kor u kacay shaqo qabadka shaqaalaha iyo dhamaan xafiisyada DDS, waxaa kor u kacay adeega xafiisyada ay shacabka deegaanka u adeegayaan, waxaa yaraatay shaqaalihii aan iman jirin xafiisyada iyo xafiisyadii laga maqnaan jiray, waxaad moodaa inay muuqato dardar cusub oo shaqaalaha deegaanku muujinhayaan iyo fikir wadankaaga iyo shacabkaaga wax u qabo oo u adeeg ah oo ka maqnaa shaqaalaha iyo madax deegaanka waagii hore. Waxaa la oran karaa waa dadaal ka dhashay kartida iyo dadaalka xukuumada Da'ud balse loobaahanyahay in dadaalkan uu joogto noqdo ooysan noqonin dardar mudo gaaban ah balse dhaqan cusub laga dhigto, waxaa hubaal ah in hadii dhaqankan joogto madaxda iyo mas'uuliyiinta deegaanku ka dhigtaan in wadanku horumar gaarayo shacabka wadankuna adeega iyo horumarka uu taban hayo lagaarayo mudo gaaban.
Jigjiga
kilil5 online



IslamOnline














