Natiijadii shirkii shalay loo qabtay shaqaalaha xafiiska beeraha DDS iyo Shan(5) agaasin oo xabsiga loo taxaabay.

Submitted by guure on Wed, 2009-05-20 02:10
May 20 2009

Jigjiga(Kilil5)--Madaxwayne Daa'uud iyo Lataliyihiisa Ato Tawalde ayaa Maalintii shalay shir balaadhan isugu yeedhay dhammaan shaqaalaha xafiiska beeraha iyo hormarinta reer miyiga,shirkaas oo ujeedadiisu ahayd in laqiimeeyo madaxda waaxyaha xafiiska(Management commitee) xaga musuqmaasuqa iyo maamulxumada,kuna dhaartay cidii kun birr lugu helo in jeelka loo dirayo.Madaxwaynaha ayaa waxuu ladagaalanka musuqmaasuqa ka dhigay agendahiisa kowaad.

Deegaanka ayaa waxaa kajiray musuqmaasuq ba'an oo lagu dhunsan jiray miisaaniyada deegaanka hase yeeshee waxaad moodaa in dadaalka madaxwaynaha uu miro dhalayo. Waxaa wax lagu farxo ah in durba ay bilaabatay dhaqan cusub oo shaqaalaha iyo mas'uuliyiinta sarsare,shirkadaha lamucaamila dawlada deegaanka iyo kuwa qandaraasyada qaata ay kaga cabsadaan lunsiga xoolaha shacabka. Waxaa durba bilaabmay dhaqan cusub oo xisaabtam ah iyo dawlada deegaanka iyo federaalka oo dhaqangaliyay raadraaca oo layaqaano "double entry" oo dowr wayn kaciyaari doona yareenta iyo ladagaalanka musuqmaasuqa.

Madaxwayanaha ayaa sidoo kale waxuu mutaysanyahay amaan sida wayn ee uu iskugu dayay horumarinta nidaamka wanaagsan iyo horumarinta shaqaalaha kasokoow dabargoynta musuqmaasuqa iyo dhunsiga hantida shacabka hase yeeshee madaxwaynaha ayaa waxuu leeyahay dhaliil wayn marka ay timaado caadaysiga hanjabaada shaqaalaha iyo shaqo kacayrinta shaqaalo farabadan oo ahaa shaqaale qiimo iyo daacadnimoba leh oo shaqadoodii lagaga eryay farfiiq aargoosi iyo boosbanaysi ka dambeeyo.Madaxwaynaha ayaad moodaa inuu leeyahay fudeed iyo ka fiirsasho la'aan eedeymaha qaarkood iyo dacaayadaha raqiiska ah ee lagula kacayo shaqaalaha qaarkood siiba madax farabadan oo shaqadoodii ku waayay farfiiq iyo eedayn bilaash ah oon sal iyo raadtoona lahayn oo hadii uu madaxwaynuhu dabagal iyo baaris ku samayn lahaa shaqaale badan oo tayo leh shaqadooda aysan ku waayeen is ugaarsigan aan waxba kajirin.

Hadaba,Madaxwaynaha ayaa sidii lugu yiqiinay ee caadada u ahayd ku bilaabay aflagaado iyo cay shirka weliba isagoo kolba dhowraya afka Tawalde.Kadib wuxuu bilaabay in uu uyeedho ashkhaas uu magacyadooda horay u haystay si loo qiimeeyo kadibna wuxuu jeelka u diray 5 agaasin oo kale ah:

1.Dr C/xakiim..Agaasinka Daawada xoolaha
2.Yusuf ..Agaasinka Fidinta beeraha
3.Dr.Daahir ..Agasinka Suqgaynta xoolaha
4. Aadan Ducaale Agasinka Maamulka
5.Getaajaw .. oo isna madaxda xafiiska kamid ahaa
Qar kale oo fara badanna wa loo cag jugleeyay.

Shirkaas oo socday Hal maalin oo labada gelinba ah wuxuu ku abuuray shaqalihii xafiiska khalkhal iyo is-aaminaad la,aan.
Shaqaalaha qaar ayaa waxay ku nuuxnuuxsanhayeen in qiimayntan aysan u dhicin si daacad ah.Ugu dambayntii wuxuu madaxwaynuhu sheegay in dhammaan madaxda waaxyaha xafiiska rag cusub lakeenayo.

Dhanka kale,shaqaale badan ayaa aaminsan in xukuumadu ku qumanayd in ay xidhxidho qolyahaas oo ahaa caqabada shaqada hortaagan iyo koox musuqmaasuq.

Jigjiga
kilil5 Online

is bedel la filayo

waxaa la filayaa in xafiiska ay wax badan iska bedeli doonaan ka dib markii loo soo xuley rag ku xigeeno ah oo uu ka mid yahay Cabdirahmaan ciiid, oo bartey wax barashada dhaqaalaha beerhaa ee shahaadada dhexe lagu wadao in uu wax ka qaban doono caqabaadkaa. isgagoo ka mid ahaa agaasinada ay ka go'antahay in wax ay ka bedelaan nolosha reer guuraaga ee bulshada xoolo dhaqtada ah ee deegaanka ku dhaqan. waxaa uu ka sheynayey xafiiska cilmi baadhista oo ah xafiiska hadda hogaaminaya xaga horumarka beeraha door muhiim ahna uu ka ciyaarey, sidoo kalena wax uu gudoomiye u ahaa Gudiga is bedelka maaluka iyo shaqaalaha(BPR CZAR) oo hadda midho dhal ah ilaa mudo ku dhow sideed bilooooood